Daawo wiil jaamacada Hargaysa ka baxay oo Xamar ka ah kabalyeeri Hoteel Get link Facebook X Pinterest Email Other Apps - October 27, 2017 Mustaf Xusen Maax oo wax ku bartay jaamacada Hargaysa ayaa hadda ah shaqaale ka tirsan hoteelka Jariisa ee caasimada Somalia ee Muqdisho. Mustaf ayaa waxa uu ku shaqeeyaa kabalyeerino, waxa uu ka sheekaynaaya sida uu shaqadan ku bilaabay iyo waxa uu raadsan waayey sahqo kale maadaama oo uu jaamacad ka soo baxay. Get link Facebook X Pinterest Email Other Apps Comments
Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad). - December 31, 2017 Maahmaah ama murti waa uun xikmad, sidaan ku balanqaadnay maadaama aqristayaal badani jecel yihiin, waxaan garanay inaan qaybta suugaanta ku soo kordhino, qoraalo maahmaaho iyo xikmada Soomaali ah, oo aan wadan hadal fuxshi iyo asluub xumi ah, kuwii diiniga iyo caalamagii ahaana sidoodii bay u soconayaa, markaas waa tan qaybtii ugu horaysay, si joogta ahna waan u sii kordhinaynaa hadba. 1- Aan wada hadalno, waa aan heshiino. 2- Abaal dad galaa badan, dad gudaa se yar. 3- Abaal raaga rag baa leh. 4- Abuur iyo waano ,abuur baa horreysey. 5- Af Daboolan, Dahab waaye. 6- Af jooga looma adeego. 7- Af macaan gacan macaan baa dhaanta. 8-Af wax cunay xishoo. 9- Afkaagoo ku xidha oon ku furin alle goo baa la yidhaahdaa. 10- Afxumo nabad way kaa kaxaysaa, colaadna waxba kaagama tarto. 11-Afkii dab yiri ma guban. 12- Alif kaa xumaaday Albaqra kaagama hadho. 13- Allaah aamine ma iisho. 14- Allaah wate wehel uma baahna. 15- Allow aqoon xumo hannagu cadaabin, eexona hannooga teg Read more
Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad. - November 28, 2017 QAYBTA KOOWAAD: SU’AALO DIINI AH: (165) S1: Sheeg Magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Maka mid kastana aayadaheedu yihiin 88 aayadood? J1: Waa Al- Qasas , Saad S2: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku soo degay magaalada Madiina mid kastana aayadaheedu yihiin 78 aayadood? J2: Waa Al- Xaj , Arraxmaan. S3: Sheeg magacyada laba suuradood oo ku billowda mucjiso ka mid ah mucjisooyinka nebiga s.c.w? J3: Waa Al- Israa iyo Al- Qamar. S4: Sheeg magacyada laba suuradood oo loo yaqaan Azahrawaan? J4: Waa labada suuradood ee kala ah Al – Baqra iyo Aal Cimraan. S5: Sheeg magacyada laba suuradood oo lagu sheegay Axkaamta Xajka? J5: Waa labada suuradood ee kala ah Al- Baqra iyo Al- Xaj. S6: Sheeg magacyada laba suuradood oo ay ku jiraan laba aayadood oo ay ku idil yihiin dhammaan xuruufta luuqadda carabiga?. J6: Waa labada suuradood oo kala ah Al- Fatxi (aayadda 29aad) iyo Aal- Cimraan (aayadda 154aad). S7: Sheeg magacyada laba suu Read more
Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad. - November 28, 2017 QAYBTA SHANAAD: SU’AALO KU SAABSAN SAYNISKA IYO XISAABAADKA. (40) S471: Sheeg nooca dhiiga AB nooca kale ee dhiig ee uu qaadan karo?. J471: Waxa uu qaadan karaa dhammaan noocyada kale ee dhiigga. S472: Sheeg magaca qanjirka ugu weyn jirka bini’aadamka? J472: Waa beerka. S473: Sheeg magaca caalimkii ugu horreeyey dawladaha islaamka ee ku guuleystay abaalmarinta Nopel Prize ee cilmiga fiisigiska iyo dalka uu u dhashay? J473: Waa Prof: Max’ed C/salaam waxa uu u dhashay dalka Pakistan. S474: Sheeg xubinta jirka bini’aadamka ee adeegsata 40% Oksijiinta dhiigga? J474: Waa Maskaxda. S475: Sheeg magaca xayawaanka keliya ee u seexda dhabarka? J475: Waa bini’aadamka. S476: Sheeg waxa sababa bidaarta? J476: Waxaa sababa marka qofku ku yaraado hormoonka Androjiin. S477: Sheeg nooca cunto ee aan isbeddelayn muddo dheer? J477: Waa malabka. S478: Sheeg xayaanka aan awoodin inuu soo bixiyo carrabkiisa? J478: Waa Yaxaaska. S479: Sheeg xayawaanka aan awoodin inuu samada eego? J479: Wa Read more
Comments