Ilmo ku jira uurka hooyadii oo haraati ku halgaaday caloosha hooyada ay sababi gaartay geeri ku timaada haweeyneyda!

Haweeney uur lahayd oo u dhalatay dalka Shiinaha aya ku sigaytay in ay u geeriyooto haraanti uu ku dhuftay canug ay caloosha ku sidday. Haweeneydan oo lahayd uur 35 toddobaad ah ayaa waxaa dillaacay ilma galeenka (Minka) ka dib markii ilmihii ay caloosha ku sidday uu lugta ka dhex bixiyay makaankeeda.

Hooyadaas oo magaceeda lagu sheegay Zhang, ayaa waxa ay tagtay isbitaalka  Peking University Shenzhen waxana ay ka sheeganeysay xanuun daran oo ka hayay caloosha, dhiiggeeda oo kacsanaa, wadne garaac iyo neeftuur.



Dhaqaatiirta isbitaalka ayaa baaritaan ku sameeyay hooyadaas iyagoo
adeegsanaya Ultra-sound waxaana u soo baxday arrin naxdin leh taasoo ahay in canuggii caloosha ku jiray uu dillaaciyay ilmo galeenkii uu ku jiray, taasoo keentay in dhaqaatiirtii ay qalliin deg-deg ah ku sameeyaay haweeneydii si ay u joojiyaan dhiigbax ka jiray minka hooyada ayna u badbaadiyaan iyada iyo ilmihii caloosha ku jiray.

Dhaqaatiirta ayaa sheegtay in dillaac 7cm ah uu soo gaaray ilmo galeenka hooyadaas lagu magacoobo Zhang. Dhaqaatiirta ayaa ku guuleystay qalliinka iyagoo badbaadiyay nolosha hooyada iyo gabadhii ay uurka ku sidday.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.