Buugga dhacdooyinka layaabka leh ee Genius World Record oo shaaciyey haweenayda Adduunka ugu garka weyn

Buugga dhacdooyinka layaabka leh lagu ururiyo ayaa ku daray daray layaabka dunida sannadkii 2016kii haweenayda loo aqoonsaday midda ugu gerka weyn haweenka adduunka wakhtigan ee ugu da’da yar. Inkasta oo ay jiraan haween ger weyn lihi haddana waxa ay Harnaam Kaur

 noqotay oo loo aqoonsaday haweenayda ugu da’yar ee ugu gerka weyn.

Harnaam Kaur oo 26-jir ah ayaa noqotay haweenay la baxday garka ragga oo kale kadib markii timo aad u badani garkeeda ka soo baxeen oo ay in muddo ahna dhaqaalaynaysay oo aanay tin kali ah ka xiirin kadib markii la sheegay in khalal ku yimid hormoonadeedu sababeen in timo saa’id ahi ka soo baxaan wajigeeda iyo laabteeda.

Harnaam Kaur oo ka soo jeeda deegaanka Slough Berkshire ee dalka Ingiriiska ayaa dhalatay sannadkii 1990-kii waxaanay dhakhaatiirtu sheegeen in jirkeeda uu ku badan yahay hormoonka kobciya timaha waxaana jirkeeda ku badan timo badan illaa garkeedu la mid noqday garka ragga. Haweenaydan oo u warramaysay idaacadda BBC iyo wargeyska Daily Mail, waxa ay sheegtay in ay dareemayso farxad iyo deganaansho oo aanay wax werwer ah ku qabin garka ragga oo kale ah ee ka soo baxay. Waxa kale oo ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay abaal marinta la siiyey ee ku guulaysiga in lagu daro buugga dhacdooyinka layaabka leh ee adduunka (Genius World Record) oo loo aqoonsado haweenaydii ugu da’yarayd ee ugu garweynayd. Waxa kale oo ay sheegtay in ay ka guulaysatay sanado badan oo ay ciriirii nafsi ah ku jiray dadkuna aad ula yaabi jireen oo ku soo ururi jireen marka ay suuqyada iyo goobaha waxbarashada u baxdo oo lala yaabo jiray garkeeda.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.