Posts

QALIN-MAALKII QARNIGA: Ma ahayn nin qalinkiisa qabyaalad darteed u qalqalloociya!

Image
Qalinmaalkii Qarniga! Maanta oo kale lix sano ka hor buu iishay Cabdiqaadir C. Maxamuud “Aroma” (1950s—July 16, 2014). Waxa uu ku allaystay London, UK. Hordhac: “Waxa uu ahaa nin Rabbigii abuurtay ka cabsada, aadanaha isaga oo kale ahna ka xishooda!”—Cabdicasiis-Xildhibaan Cali Ibraahin: Laanta Af Soomaaliga, VOA. Cabiqaadir Cismaan Maxamuud “Aroma” waxa uu bartamihii qarnigii 20d ee tegay ku dhashay degmada Dhuusamareeb, Gobolka Galgaduud. Korriinkiisii ilaa kaalingalkiisii gudaha dalka ayaa uu ku qaatay. Waxa uu ahaa qoraa jiitay oo taariikhda Soomaalida in badan oo abaal ah gashaday; tiraba shan dhiganayow oo qaayo leh baa uu kaydka buugta sooyaal ee Soomaalida ku soo biiriyay. Da’yarta Soomaaliyeed ayaa uu u dhiteeyay sheeka-awaallo xallad miiran ah oo uu si-uyaalka Soomaalida ku suureenayo. Noloshiisa badankeed wuxuu ku qaatay, qorista sooyaal dhaqameedka; iyo mid siyaasadeedka Soomaalida. Waxa uu ahaa waayajoog u soo taagnaa dhacdooyinkii kala geddisnaa ee dalkan soo ...

Faa'iidooyinka Toonta (Tuunta)

Image
Toonta inta ugu badan badan waxa loo isticmaala in lagu udgooneeyo dhadhanna loogu yeelo cuntooyinka aannu isticmaalno. Dhinaca kale toontu waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo cajaa’ib ah. Toontu waxay inta ugu badan ka kooban tahay maado loo yaqaano Allicin taasi oo la dagaalanta bacteriyada, virus-ka, fanguska iyo iyadoo jirka sunta ka saarta. Faa’iidooyinka  caafimaad ee lagu tilmaamay toonta waxaa ka mid ah. 1- Jirka ayay ka ilaalisaa sunta iyo                      jeermiska. 2- Caloosha ayay nadiifisaa marka lagu              darsado malab. 3- Dhiig-karka ayay u fiican tahay waana           dejisaa. 4- Kaadida ayay socodsiisaa, iyadoo furta          wadooyinka ay marto. 5- Hargabka way ka hortagtaa. 6- Calool xanuunka dawo ayay u tahay. 7- Qufaca way joojisaa. 8- Kansarka ayay la dagaalantaa, illaa xad. 9...

Waxtarka Caafimaad ee Qumbaha

Image
Waxaan halkan uga hadli doonnaa waxtarka geedka Qumbaha, waxaa la sheegaa waxyaabo badan oo caafimaad muhiim ah in laga helo, laakiin waxaan qoraalkaan ku soo qaadan doonnaa 7 faa'iido oo cilmibaaris lagu xaqiijiyay, Qumbaha waxaa ka buuxa saliid caafimaadka u fiican, boqolkiiba 90% saliidaas waxay ka samaysan tahay "Fatty acid", saliidda ka samaysan walxahan faa'iido ayaa ugu jirta bani'aadanka, maxaayeelay unugayda jirka oo idil waxaa laga sameeyaa badankood maadadaan "Fatty acid-ka", dufanka kale markii uu qofka cuno waa in jirka uu kala soocaa ama la kala saaraa, laakiin dufanka qumbaha markii jirka uu galo, waxaa toos loo geeyaa beerka si tamar ahaan loogu isticmaalo. Markii dufanka qumbaha tamar ahaan loo keydiyo waxay daawo u tahay cudurka laleemada. Qumbaha waxaa ku jiro aashito loo yaqaano "Lauric Acid" aashitadan waxay awood u leedahay iney disho jeermiska noocyadiisa kala duwan sida bakteeriyada, fayraska iyo fangaska. jeermi...

Waxtarka Caafimaad ee Raqayga La Helo

Image
Raqaygu waa miro dhanaan oo ka baxa dhulka kulaalaha ah oo soomaaliya ka mid tahay dalalka dhaca, waxay carabtu u yaqaanaan "Tamar hindi" inkastoo isla magaciisii asalka ahaa ay u yaqaanaan ee "Xamar", ingiriiskune isla magacii carabta ayey qaateen ee "Tamarindi". Geedkani asal ahaan wuxuu ka jeeda Afrika gaar ahaan bariga afrika iyo Madagaskar waxa uuna kusii faafay dalalka Hindiya iyo Bakistaan kadib waxaa loo dhoofiyay jasiiradaha kiribiyaanka. Raqayga waxaa ku jira macaadin fara badan oo jirka aadanaha muhiim u ah Waxaa kamida; . Magnesium: 28% of the RDI. . Potassium: 22% of the RDI. . Iron: 19% of the RDI. . Calcium: 9% of the RDI. . Phosphorus: 14% of the RDI. . Vitamin B1 (thiamin): 34% of the RDI. . Vitamin B2 (riboflavin): 11% of the RDI. . Vitamin B3 (niacin): 12% of the RDI. .  Trace amounts of vitamin C, vitamin K,          vitamin B6 (pyridoxine), folate, vitamin        B5 (pantothenic acid), copper and...

Waxtarka Geedka Moringaha iyo Caafimaadka

Image
Moringa Oleifera waa geed kumanaan sano lasoo isticmaali jiray siyaabo kala duwan, cunno ahaan iyo daawo ahaanba. Waa geed la sheego inuu leeyahay boqolaal faa'iido oo aan halkan lagu soo koobi karin, waana geed aad loogu sameeyay baaritaano cilmibaaris oo kala duwan, haba u badnaadaan baaritaandaas in lagu tijaabiyay xawayaanka. Sidaa darteed waxaan halkaan ku sheegaynaa kaliya 6 faa'iido oo la xaqiijiyay inuu u leeyahay bini'aadanka, iskuna waafaqeen cilmibaarisyo kala duwan. Moringa waa geed aad u nafaqo badan: hal koob oo caleenta geedka markii la shiido waxaa ku jiro 2 gram oo protein ah, Vitamin B6 19%, Vitamin C 12%, Bir 11%, Vitamin A 9% iyo Magnesium 8%. waa geed caleentiisu iyo jiridkiisuba aysan kala yaraysan xaggan nafaqada. waxaa jiro kaniiniyo capsule ah oo laga sameeyay caleenta geedka oo la shiiday, loona adeegsado fitamiin ahaan, waxaana la siiyaa dadka nafaqo darrida hayso. Moringa waxaa ka buuxo waxa loo yaqaano 'Antioxidant': waa walxo ...

Faa'iidada Caafimaad ee Babaayga

Image
Babaaygu wuxuu ku jiraa qudaarta ama cunnooyinka aadka loo jecel yahay oo maalinle inta badan bulshadu u cuni karto. Wuxuu kamid yahay qudaarta kuwa ugu raqiisan, qiimo ahaan, uguna qaalisan, nafaqo ahaan. Dadka intooda badan waxay cunaan xilliyo kala duwan. Qaar ayaa doorbida inay subaxi cunaan, walow Soomaalidu aysan u badneyn. Halka inteenna badanna aan xilliga qadada qaadanno. Hayeeshe, sinna uma xuma inaad cunto Babaayga waqtigii aad doonataba. Haddaba, waxaan kuu sheegi karnaa dhowr faa’iido oo laga heli karo Babaayga. Babaayga waa cunno macaan oo lagu cabeeyey nafaqo. Waxaa ku jira maado kobcisa unugyada jirka. Babaayga wuxuu leeyahay dihin liddi ku ah Kansarka. Maadooyinka kobciya unugyada ee Babaayga ku jira waxay sare u qaadi karaan caafimaadka wadnaha. Babaaygu wuxuu la diriraa caabuqa ka dhasha cudurro badan. Babaaygu wuxuu sare u qaadi karaa Dheef-shiidka. Waxay kahor-tagaan wax-yeellada soo gaari karta maqaarka qofka.

Faa'iidooyinka Laga Helo Cunista Cinabka

Image
Cinabku wuxuu kamid yahay miraha aadka u macaan oo dunida meelo badan laga helo. Dad badan waxaa laga yaabaa inay kaliya macaankiisa ka helaan, hayeeshe aysan ogeyn faa’iidada ku duugan cunista cinabka. Haddaba waxaan halkan kusoo gudbin doonnaa dhowr faa’iido oo cunista Cinabka laga helo. 1. Wuxuu daweeyaa neefta. 2. Wuxuu xoojiyaan lafaha. 3. Wuxuu kahor tagaa cudurrada ku dhaca       wadnaha. 4. Wuxuu baabiyaa calool-fuurka. 5. Wuxuu furaa ama bogsiiyaa dheef-                 shiidka. 6. Wuxuu maareeyaa kaadi-macaanka. 7. Wuxuu daryeel u yahay caafimaadka             ilkaha. 8. Wuxuu daweeyaa xanuunada qaar ee ku      dhaca kilyaha. 9. Wuxuu isu dheelli tiraa dufanka raaca          dhiigga. 10. Wuxuu ka hortagaa bacteriyada jirka             soo weerarta. 11. Wuxuu kahor tagaa Kansarka...