Layaabka Dunida! Magaalo Dadka Ku Dhinta Aan Loo Oggoleyn In Lagu aaso Dhulkeeda?



Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas. Waa jasiirad ku taalla bartamaha dalka Norway oo qofkii ku xanuunsada uu ku qasban yahay in uu magaalada isaga baxo ama haddii uu ku dhinto aanan lagu aasi karin magaaladaas. Dadka naf-qabadka ayaa loo diraa magaalooyinka kale ee Norway, si ay ugu geeriyooda, waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinto aanay cidina xabaali karin. Sharcigan ayaa magaaladaas ka dhaqan galay 102 sano ka hor, waxaana sannadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan intaa wixii ka dambeeyeyna aan la ogolayn in hal qof lagu aaso. Longyearbyen oo ah magaalo aad u qabow, inteeda badanna baraf ah ayaa mararka qaar waxaa dhacda in qabowgu uu gaaro wax ka hooseeya 50 darajo heerka biyuhu ku barafoobaan.


Maxay tahay sababta aanan Loogu aasin meydka?

Sannadkii 1918, waxaa adduunka ka dilaacay hargab lagu magacaabi jiray Spanish Flu, kaas oo ku dhacay dad lagu qiyaasay 500 oo milyan oo qof. Meelaha uu ka dilaacay xanuunkaas waxaa kamid ahayd magaalada Longyearbyen oo dad gaadhaya 11 qof ay ugu dhinteen, dadkaas oo lagu aasay isla magaaladaas. Haseyeeshee qabowga magaalada oo aad u daran ayaa waxay keentay in dadkii u geeriyooday xanuunka ee lagu aasay magaalada aanu jirkooda baabi’in, taas oo khubarada caafimaadku ay sheegeen inay jirto halis ah in xanuunka ay markale dadku ka qaadi karaan dadkii u dhintay ee lagu aasay magaalada, kuwaasi oo jirkoodu aanu baabi'in, walina sidiisii yahay.

Dr. Kirsty Duncan oo katirsan jaamacadda Windsor iyo koox uu hogaaminayo ayaa tegay magaalada, si ay wax uga ogaadaan. Waxay tijaabo kasoo qaadeen qof u dhintay xanuunka oo lagu aasay Longyearbyen, waxayna ogaadeen in wali xanuunka Spanish Flu uu jidhkiisa ku jiro.

Christian Meyer oo sidoo kale katirsan jaamacadda Sayniska iyo tiknoljiyadda ee Norway ayaa hore u sharraxay sababta aan dadka loogu aasi karin magaaladaasi. “Sababta dhulkan marwalba barafka ah aan dadka loogu aasi karin ayaa waxay tahay in qofku marka uu dhinto halkii la rabay in jidhkiisu uu baaba’o aanu sidaas noqoneynin, sidookalena barafka uu bannaanka usoo saarayo meydka”, ayuu yiri Christian Meyer. Wuxuu sidoo kale sheegay in barafkaasi uu sii nooleyn karo cudurka uu qofku u dhintay, taasina ay keeni karto in dadka deggan magaaladu ay qaadaan xanuunka. “Haddii aad u maleyso in aad dhimanayso, waxaa la sameyn dedaal walba oo lagugu geyn karo meel ka baxsan magaalada”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Arrintan ayay saraakiisha dowladda Norway ee magaalada Longyearbyen sheegeen in haddii aan la dhaqan-gelin lahayn ay horseedi lahayd dhibaato caafimaad, waana taasi sababta keentay inay la yimaaddaan qorshahan horseeday in dadka laga mamnuuco in lagu aaso magaalada. Khubarada caafimaadku waxaa kale oo ay sheegeen in xanuunada ay u dhintaan dadka lagu aaso magaalada ay si sahlan ku faafi karaan. Mas’uuliyiinta dowladda waxaa kale oo ay sheegeen in haddii dadka deegaanku ay taabtaan meydadkaas, ay si sahlan ku qaadi karaan Spanish Flu oo mar dunida u aafeeyay si lamid ah feyraska corona. Xabaalaha magaalada Longyearbyen ayaa ah kuwa aanay dadka deegaankaasi ku tashanin. Hargabka Spanish Flu ayaa la aaminsan yahay in caalamka uu ku dilay in kabadan 50 milyan oo qof.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.