AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL


 Saluugla waxay tiri, waa ruux waaya arag ahayde, “waxaan ku dardaarmayaa laba hale hablahaan weli la guursan iga gaarsiiya.

Waxay tiri

Guunnimo waa geeri haween,

Guur odayna waa geesaas haween

Tii labaad oo la yiraahdo haweeya baa waxay tiri, “naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxaad hooyaday iga gaarsiisaan haddaan qaraqmo inay haweyneyda la yiraahdo Dhool Rooble ee Xiis deggeni igu leedahay laba madaal oo sonkor ah, iyo tan haruura oo aan ka qarddaystaye ha iga bixiso yaan aakhiro loxodka laygu gubine.”

Cawrala markaas hadashayoo tiri, “horta habalayahow lagama yaabo inuu ilaahay caawa igu dilo doonnidaan, sababtoo ah hooyaday oo xiddiga tiriska aad u taqaan ayaa waxay igu tiri waxaad dhalatay markay xiddigta Afaggaallo la yiraahdo soo baxday, Soomaaliduna waxay ku tilmaantaa ilmaha xiddiigtaas dhalashadiisula kulanto inuu nasiib iyo hoodo”.

Tan labaad oo aan ilaah uga raja xumaynna waxay tahay, hadee weli adduunka waxba kama dhadhamin macaan iyo qaraar mid kastaba ha ahaadee, Ilaahayna taas waa ogyahay oo waygu naxariisanayaa.

Midda kale anigu dardarmimaayo, waxaanse soo jeedinayaa saddex talo’e bal i dhegeysta.

Tan u horraysa, waxay tahay midaan sheeko ku maqlay oo ah inay dumarku hadday doonniyi la degto is wada qabsadaan oo markaas wada degaan, inta badanna aan waxba ka badbaadin.

Haddaba, waxaan soo jeedinayaa saddex hal inaynu samaynno haddaynu aragno inay doonnidu degayso. Tan u horraysa waa inaynnu dharka badan oo aynnu xirannahay iska yaryaraynaa oo mid waliba la hartaa diricay gashay tahay, sababtoo ah dharku weyna dabrayaa oo markaasu ina ku dhegayaa. Tan laabad waa inaynaan is qabsan oo is cuskan ee mid waliba nasiibsataa wixii Ilaahay la kulmiyo.

Tan saddexaad waxaan ku talinayaa in mar alla maykaynnu aragno inay doonnidu degayso, inaynnu raga ku jira mid waliba midkay doontu mid kasta ha ahaadee u baaqataa, oo tiraahdaa hebelow i qabo.”

Markay Cawrali dhammaysay ayaa gabadhii Haweeya tiri, “Cawralaay ra’yiya wanaagsan baad soo jeedisey wadna mahadsan tahay laakiinse waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa, haddaad dhimanaysid dhareerka waa layska duwaa, ee horta dharka iska dhiga oo diric keliya la hara kaa yeelo maynno, waana mid adag inaannu ismuldhino wax kastoo dhaca”.

Cawrala hadalkii ku noqotoo tiri. “waa runtaa Haweeyay oo maahmaahdaasi waa mid jirta, hase ahaatee meesheedii ma aha oo waxaa kaga habboonayd halkaas taas ka tiri inaad ka tiraahdid “dan iyo xarrago isweydey”. Talooyinkaas Cawrali soo jeedisey Saluugli waa qaadatay oo waa tabaabulshaysatay, laakiinse gabadhii labaad oo Haweeya ahayd uma guuxin oo halkeedii bay iska balawaarsatay oo sanduuqeedii dhabta ku qabsatay.

Markay saacaddu ahayd abbaara 11 saac ee habeennimo, ayaa fad birqamaya oo onkodaya xagga bari ka yimid oo barta saaray doonnidi, iyadoo baddii sidii iyo si ka daran u kacsan tahay.

Waxaa doonnida ku jirey oo rakaabkeeda ka mid ahaa wadaad caalim ahaa oo la oran jirey Shiikh Araye Ceelaabe oo magaalada Saylac ku dhashay isla markaasna degganaa, oo magaalada Cadmeed socodaal gaaban ku tegey.

Shiikh Araye Ceelaabe wuxuu ahaa shiikhii kashifay ninkii dawladda Ingiriis sahanka ugu soo dirsatay inuu u soo ilaaleeyo dalka Soomaaliyeed markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1854 ilaa 1860 kii oo magaciisii runta ahi ahaa Richard Burton, [1] Laakiinse isugu sheegay shiikh Cabdalla dadkii Soomaaliyeed ee uu isu maldahaayey inaanay garan inuu yahay nin khaayin ah oo tuugo iyo dibindaabyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed la damacsan.

Waxaa jirtey ninkaas gaal oo Ingiriiska ahaa inuu diinta Islaamka iyo af Carbeedka aad iyo aad u yiqiiney oo uu mararka qaarkood magaalada Saylac masaajidyadeeda wax ka tujin jirey, mararka qaarkoodna ama inta badanba wuxuu gashan jirey khamiiska dheer oo ay wadaaddadu gashadaan, had iyo jeerna kama ag fogaan jirin meelaha culimadu iyo ardaydu fariistaan si aan loo garan ama lo dereemin wuxuu ahaa.

Haddaba, waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid shiikh Araye la kulmay ninkaas Ingiriis oo meel ban ah u kor tegey oo intuu la sare joogsaday geed isku toosiyey, markaasaa waxaa u muuqday shiikh Araye inaanu xalaalsanayn ninkii shiikha loo haystay oo ay calaamaddii gaaladu ku taallo. Aminkiiba shiikh Araye afkuu gacanta geliyey oo magaaladii oo dhan buu ogeysiiyey in ninkaasoo munaafaqi magaalada joogo oo shiikh loo yaqaan.

Halkaasaa ninkii Ingiriis oo isa soo maldahay laga cayrshay magaalada Saylac ilaa uu ku galay magaalada Harar oo Iyana waa dal Soomaaliyeed oo Muslim deganyahay laga saaray sidii si le’eg.

Shiikhaas haddaba, caanka ah, ayaa wuxuu bilaabay aadaan iyo quraan akhris uu Ilaahay ku baryaayey inuu roobka, duufaanka iyo badda kacsan ka joojo. In kastuu shiikhii quraan iyo aadaan iyo baryo Ilaah isku daray, roobkii hanqar iyo hillaac buu sii kordhiyey, baddiina mar walba mark aka dambaysey way sii xumaanaysey oo waxba baryadiisii ma doorin, waayo waxaa la yiraahdaa, Ilaah ma naxee waa naxariistaa.

Markay saacaddu ahayd abbaara 11:30 ee habeennimo ayaa dakhalkii intuu badhtanka ka kala boodey sadxadii doonnida gab ku soo yiri. Naakhuude Naallaye dakhaalka soo jabiddiisii ka hor rajuu qabey, markuuse soo dhacay hareerahan ay ka yeertay hayaay! Hayaay! ciidamow! Ba’yey! buu quustay oo ashahaadada cuskaday.

Haddaba sebi ma’ahee ruuxii innaba garaad lahaa u caddaatay inay doonnidu degayso, oo aanay ku sii jir lahayn, ayaa Calimaax la faqay Nuur Ciise oo yiri, “Nuurow bal warran, maxaadse filaysaa illayn dabbaasha ma taqaanide?”. Markaasaa Nuur yiri, “ar hayga tegin xaal waa xunyahaye.” Calimaax baa markaas ugu jawaabay, Nuurow nasiibso wixii Ilaahay ku qoray, waayo, saddexdaas dumarka ah baan midkood gacan siinayaa. Nuur baa hadalkii ku noqdoo yiri, “Calimaaxow ma qof dumaroo kontonley ah baad boqollahaygaas ka dooranaysaa, mase laga yaabaa Ilaah waa qaaddire, inaan idiinka horreeyo berriga adigiyo qofka dumarka ah oo aad qaadi doontid?”.

Calimaax baa jawaaboo yiri, haddaad weli tahay waad naga horraynaysaa, laakiinse waxaan ku xusuusinayaa Nuurow oo aadan iigu calool xumaan in haddii innaba Ilaahay kula kulmiyo rag iyo dumar dhibaataysa, sida tan caawa joogta, ay daw iyo waajib tahay in ugu horraysta iyaga gacan la siiyo markaas i sii sug waan kuu soonoqonayaaye.

Halkaasaa Nuur Ciise bisinka cuskaday oo ashahaatey, Ilaahiisna badbaado ka baryey.

Waxaa dhacday in miiraalihii roob, hillaac, onkod iyo hig iyo dam, walaalac, iyo qararac ma’ahe wax kale laga waayey, biyihii guud ee cirkana shalalax ugu soo shubmeen doonniddi, baddiina hareeraha iyo gadaal iyo horeba ka soo gashay. Markaasay heehaabtay doonnidii heelaheela dhexe sidii cayayaan dabayli siddo, ilaa uu ugu dambaystii dakhalkii soo kala jabay baarkiisii u sarreeyey uu hoos ugu libdhay baddii markay saacaddu ahayd 12:30 habeennimo oo ay xeebta Soomaaliyeed meesha ugu dhowi u jirtey 10 km.

Siday talada ku bixisay Cawrali waxay u baaqday Calimaax oo tiri, “Calimaaxow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Halkaasaa iyadoo baaxaadegaysa oo dhawr jeer leqday biyihii badda, Calimaaxoo ku soo tala galay, baaqeediina maqlay garab galay.

Rakaabkii kale iyo badmaaxyadiina waxay noqdeen wax dega, wax dabbaasha iyo dar alwaax Ilaah gacanta u geliyey oo ku dabbaashay ilaa berriga.

In kastoo Calimaax u ugu soo gurmaday Cawrala baaqeedii ahaa Calimaaxoow i qabo kuna soo talagalay inuu dumarka mid qaado oo uu markaa si degdeg ah u garab galay, intaanay aad u hafan una deign, gartayna markuu gacanta qabtay oo garabkiisa bidix kor ugu taageeray inay tahay ruux dumar ah, laakiinse aanu kasin weli habar, murwo iyo gabar miday tahay, ayaa Cawrali la hadashay iyadoo indhaheeda ilmo ka da’ayso markii oogta waaberi soo baxday waagiina sagliyey.

Waxay tiri, “Caliyow waad mahadsan tahay Ilaahayna ha kaa abaal mariyo waxaad ii gashay in kastoo aanan weli hubin ineynu badbaadoo tegayno”. Cali baa markaas intuu dib u jalleecay damcay inuu lahadlo nasiibdarrise mawjad ayaa intay kor u qaadday hafisay oo afka u buuxisay hadalkiina ku celisay. Mar labaad ayuu misna u holladay inuu la hadlo waase u suura geli weydey mawjadihii iyo maayadahii xooggoodii iyo culayskeedii uu dusha ku siday awadood. Mar saddaxaadkii buu wuxuu haleelay inuu yiraahdo keliya, “magacaaga ii sheeg” markaasay tiri, “waxaa lay yiraahdaa Cawrala Barre.” Markaasuu isagoo hadba hafanaaya hadalkana joojoojinaaya yiri, “Cawralaay waxba hay mahad naqin, waayo waa wax waajib ah in la gargaaro ruux islaam ah oo Soomaali ah oo dhibaataysan. Waxaana jirtey intaan doonnidu degin inaan saddexdiina hablood ka fekeraayey sidii laydiin badbaadin lahaa. Markaan Caliyowda maqlayna degdeg baa xagga Ilaah kaa la iiga soo diray inaadan kollayba ku dhiman doonnidii markay degey, inta ka dambeysa wax kasta aad mudatide.”

Nasiib wanaag, waxaa dhacay in kastoo waxaan la arag oo la maqal oo duufaan iyo roob ahi habeenkii dheceen, markii waagii soo beryaayey cirkii waa kaadiyey, baddiina waa degtey oo xawaalis ku dhowaatey. Haddii kale uma suura gasheen inuu Calimaax si dhib yar ula dabbaasho Cawrala oo muddo dheer dusha ku sido isagoo aan daalin. Waxaa shaki la’aan dhici lahayd haddaanay baddu karka joojin inay wada dhiman lahaayeen ama uu keligiis diriqi kaga soo bixi lahaa markuu Cawrala sidniinkeeda la kadeedmo.

Haddaba, markay cadceeddii soo baxday walise ay himhimow tahay ayaa Cawrali, Cali ku tiri, “Caliyow maxaad u malaynaysaa dadkii kale ee doonnida ina kula jirey inay ku sugan yihiin? Mase u malaynaysaa inay Saluugla iyo gabadhii kale iyo odaygii aad xifaaltameyseen ee Nuur Ciise Ilaah saac u bixinaayo oo ka saaraayo doonnidii? Ilaahayse waxaan ka baryayaa inaanay Saluugli geeryoon, maxaa yeelay goblan bay geeri badeed ku mudanaysaa oo waan u calaacalayaa iyado ifka ku luufluuftay inay isla markaasna geeri xun dhimato.” Cali baa markaas wuxuu yiri, “horta anigu mid baan hubaa, inuu odaygii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise badbaadayn, sababtoo ah markay doonnidu degaysey ugu dambaystii sadxaddii buu fadhiyoo jilbaxidhnaa, wuxuuna igu yiri hadalkiisii u dambeeyey, “ar hayga tegin nacasyahow xaal waa xun yahaye.” Anna waxaan ku iri i sii sug waan kuu soo noqonayaye. Haddee waxaan u malaynayaa inuu aakhri igu sii sugaya illayn dabbaal ma aqoone. Cawralaay maantoo kalay kala haraan nin badmaaxa iyo reer miyi geel jire ahi.”

Markii waagii aad u beryey ayaa waxaa hareerahoodii ka soo baxbaxay hanbabarooyin [2] booddaalaysanaaya. Nasiib wanaagse waxba Ilaahay kaga ma keenin inkastoo mar midi sigtay oo Cali tuurta ku qaadday Cawralana barbar uga riddey. Markay ahayd barqa gaaban oo cirkii daruurtii ka yaryaraatay baddiina yar degtey ayaa hir madow oo dhereran uga muuqday xaggay u dabbaalanayeen.

Muddo yar dabadeedna, waxaa kor yimid Jaamanjoogtii iyo shimbirihii xeebta oo markaas himmad iyo niyadsan geliyey, inay u dhow yihiin berrigii Soomaaliyeed.

[1] Richard Burton wuxuu ahaa nin Ingiriisa oo sahan u yimid dalka Soomaaliyeed xaggiisa Waqooyi markay taariikhdu ahayd 1854-1860.

[2] Hambabaro (hambarayooyin) waa kalluun weyn oo badda ku jira, laakiinse aan la cunin.


La Soco Qaybta 5aad

Comments

Popular posts from this blog

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.