AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL Q 1aad

 




.......Qaybta 1aad ee Sheeka.......
In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday Soomaaliya, Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Calimaax.

Calimaax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.


Cawrala Barre waxay ku dhalatay markay taariikhdu qiyaastii ahayd 1893kii dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan. In kastoo yaraanteedii ay magaalada joogi jirtey inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxay badsan jirtey miyiga halkaasoo aabbaheed ku dhaqan jirey xoolo aan badnayn.


Sida la ogsoon yahay magaalad Xiis waxay ku hoos taal buuraha Caleed, buurihii Golisna loo yaqaanno, waxayna is hayaan buurahaasi ilaa Karinboosaaso iyo ilaa Boorama haddii xagga bogox loo raaco, halkaasoo ay misana sii dhereran yihiin ilaa Harar. Xagga barina haddii laga bilaabo Karinboosaaso waxay is hayaan ilaa Baargaal, waxaana loo yaqaan wixii Karin bari ka xiga buuraha Calmaskaad.


Haddaba, buurta Surad la yiraahdo ee Xiis, dusheeda ah waa buurta, buuraha dalka Soomaaliyeed ugu dheer waana 2800 Mt. Waxayna ka mid tahay buurihii caanka ahaa oo ilaa Nebi Ciise dhalashadiisii ka hor laga guran jirey Moxorka, Mayddiga, Falaxfalaxda, Murkudda iyo faleen badan oo udgoon.


Sida taariikhdu sheegayso waxaa meelaha iman jirey Faraacinadii, oo uduggaas qaayaha weyn leh uga guran jirey ahraamta iyo guryahay wax ku caabudi jireen. Faraacinadii iyo Masaaridii hore ee adduunka ilbaxnimadoodu ugu horeeysey aad bay u iman jireen gobolkaas Sanaag, raadad bandanna way kaga tageen, waxayna u bixiyeen dalkeenna dalkii Moxorka iyo Mayddiga, ama (Puntland) sababtoo ahayd uduggaas iyo carfoonkaas ayaan adduunyada meel kale laga heli jirin. Buurtaas Surad ee gobolkaas ku taal waxay ka mid tahay meelaha dalka Soomaaliyeed ugu roob badan.


Waxaa kaloo kabaxa buurahaas dhir badan oo kumanyaal jaad ah, oo ay ka mid yihiin Dhosoqa, Xiiska, Deyibka, Mooliga, Hareeriga, Shoyga IWM. Buurtaas Surad iyo buurahaas Caleed oo la xiriira wax la sifayn karo quruxdoodu iyo qiimahoodu ma’aha, waxse gabay ku sifeeyey gabayaaga caanka ah Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) ee Ceerigaabo deggan keligiisna la oran karo waa ka nool yahay raggii hore ee gabayaaga ahaa.


Wuxuu yir


Waa meel malka ah oo biyiyo buur madowba lehe


Marmar weeye dhagaxeedu iyo muunad gooniya’e


Miyaad dooxa ah  bay leedahay, oo miro ka beermaane


Mandarka iyo jamaalka  baad Libnaan ugu malaysaaye


Manaakha iyo hawada waxay ka tahay Mawsalka Ciraaqe


Kolkaad madaxa Surudeed tagtiyo meesha ugu taagan


Badda waxa maraayoo dhan baa, kuu muraayad ahe,


Madfaca laga ridaa wuxuu tagaa, kuman masaafoode


Arraweelo meeshay degtey, iyo muluggii Geylweyte


Iyo ma’aasiir ku jira, moodkii la helaayey,


Maanla’aha iyo taallooyinkaad, aqalka moodeysid,


Meelihii kinsiga lagu qarshay bay, maangadood tahaye,


Madduuno iyo god qorane baa ninkii, marayba yaabaaye,


Muutasaha iyo Daalo waa lagu murqaamaaye,


Ma’yey baa ka da’a goortay tahay, milayga jiilaale,


Daruurtoo mahaja soo rogatiyo, waqayga meyl gaaray,


Sida mawjadaha iyo doonyaha bay, mar isu jiiraane


Dhirtana qaarba midba leeyahay iyo, man iyo awraaqe,


Maawered in lagu daadiyey baad udugga mooddaaye,


Min aroos sidaad soo gashay iyo, mawledkii nebiga,


Miski baa ka urah kaynta iyo, malafka geedaha’e


Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaaddo


Oo midabba kala goonniya oo, cadad malyuun gaara


Mawda iyo siyaaxa baad arday iyo macallin mooddaaye,


Qollay ku madadaalisiyo Murada badane


Goortuu Gobyaan waa murdee, goonni miranaayo,


Uu Gorod miyuusigga tumoo, Galow ku maaweesho


Oo Marisku kuu soo warramo meesha waxa yaalla,


Aad Raha madiixiisa iyo, maqasho Daa’uuska


Adiga iyo naftaadaa murmah, oon doonin meel kale’”.

***

Haddaba, Cawrali waxay yaraanteedii ku barbaartay dhulka buurahaas, dhirtaas, shimbirahaas iyo quruxdaas leh, oo gabaygaas ku sifaysan. Cawrali waxay ahayd kuna tilmaannayd gabar aan meel laga saluugo lahayn dhan kastaba ha ahaatee, midabkeeduna wuxuu ahaa midabka midabada ugu wanaagsan oo maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu wuxuu ahaa dherer dhexe oo dhex yar, oo tima sayn yalax ahi garbaha laba taako hoos uga degeen.

Waxaa la yaab iyo amakaag ahaa indhaheeda cadcad oo kaah adeenla ahaa, wiilkooduna madoobaa, suuniyaheeduna dherer intey ka qabeen sanqaroorkeeda dheer salkiisa ayey ku soo arooreen. Cawrala qosolkeedu wuxuu ahaa had iyo jeer dhool ka qosol, oo debnaheeda deebta ah aayar furta, oo markaas in yar muujisa ilkaheeda caddaan sadafka ah ilaa dhoolaheeda dhuudhuuban barbar ka muuqdaan. Intaas waxaa u raacay labadeed kub oo laba buuxsin ahaa. Haddii daacad loo tilmaamana gacmaheeda garaaraha lahaa markay ku laafyooto ruux la quuro mey ahayn, goroddana waxay ku lahayd kuna wareegsanaa caabbaadhyo haddii la tiriyo afar meeris ahaa. Waxaana la oran karaa quruxdeedu waxay ahayd waxaan la arag lana maqal. Dharqaadashadeeduna dhuda wareeg abid kama yeelan jirine hab iyo hannaan bey u xiran jirtey una xarragoon jirtey.

Magaalada Cadmeed bey muddo shan sannadood ah ka baran jirtey quraanka iyo af Carbeedka halkaasoo ay heer fiican ka gaartey aqoonta wax akhriska iyo wax qoridda.

Waxay la walaal ahayd wiil la oran jirey Dalmar iyo laba gabdhood oo ay midna ka yarayd midna ka weyneyd. Hooyadeed iyo aabbedeedna waxay ku noolaayeen magaalada Xiis iyo miyigeeda oo ah buuraha ka sarreeya. Aabbeheed Barre wuxuu had iyo jeer Cawrala ku faanin jirey uguna ducayn jirey muddeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kastoo mar-marka qaarkood waxay damacdo ma’ ahe wax kale aanay yeeli jirin.

Isla markaas, Calimaax wuxuu la walaal ahaa wiil keliya iyo laba gabdhood, wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray magaalada Laasqoray oo Xiis xagga bari ka xigta una jirta qiyaastii 152 Km. Magaaladaa isla iyada ah waxay ku hoos taal buuraha Calmadow oo ay isku xiriir yihiin Surad iyo Daalo, sidaas daraadeed xagga quruxda iyo dhirta ka baxda waa isku sansaan, inkastoo buurahaas Laasqoray ay hoos timaaddo marka oogo laga soo bilaabo ilaa xeeb ay u kala baxaan heerarka ah Raacin, Arooro, Cayow, Jarcaleed, Madar, Ragar, Gadoob iyo Macagta oo ah halka buuruhu ku dhammaadaan.

Haddaba, dhulkaas buurahaas leh, ayuu yaraantiisii ku kicitimay, waxaana kaloo jirtey inuu in badan la socon jirey bulsha fardood oo halkaas sida muuqata uu aad bulshay rag iyo haasaawe yaqaana ku noqday. Muddo dabadeed markuu gaashaan qaad noqday baduhuu galay oo ku ilbaxay, doonyahana wadiddooda iyo maamulkooda ka gaaray heer sare.

***

La Soco Qaybta 2d

W/Q. Faarax Maxamed Jaamac (Cawl)

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.