Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Itoobiya

Itoobiya waa dal dhaca bariga Afrika. Waxa uu deris layahay wadamada, Eritreya, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Suudaan. iyo Koonfurta Suudaan. caasimadda iyo magaalada ugu weyn waa Addis Ababa. Luqadda dowladdu waa Amxaari (amharic).  Laakiin, Itoobiya waxaa looga hadlaa in kabadan 80 luqadood.
Tirada dadka itoobiya waxay kor u dhaaftay 102 milyan, waana dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan, iyo kan 12aad adduunka ugu dadka badan.  Baaxadda dhulka Itoobiya waa 1,104,300 km oo wareeg ah, waa dalka 10aad ee Afrika ugu dhulka weyn, sidoo kale  waa dalka 28aad ee ugu dhulka weyn dunida.
Waxaa talada dalka hadda haya raysalwasaare, Abey Axmed oo isbedello  ka sameeyay geeska Afrika. Dalkani waxa uu ka Kooban tahay 9 maamul goboleed ama killil, oo kala ah,  Ismaamulka Oromada, kan Soomaalida, Amxaarada, Tigreega, midka cafarta, Gobolka Sidamo, maamulka Gambeellaha, ismaamulka Binshangulka iyo maamulka shucuubta Koofureed.
Waxaa kaloo jira, labada magaalo ee Harar iyo Diridabe oo toos u hoostaga dowladda dhexe ee federaalka ah, iyo caasimadda dalka ee Addis Ababa.
Itoobiya waa wadanka ugu weyn dhul ahaan qaaradda Afrika oo aan bad laheyn.
waana waddanka ugu dadka badan dunida ee aan wax badda lahayn. Itoobiya waxay leedahay 10 webi oo uu kamid yahay webiga Niil oo biyihiisa 80% uu ka yimaado harada Tana ee Itoobiya.
Magacyadooduna waa kuwan  ka:-
1 wabiga Nile 901 miles (waxaa lawadaaga Sudan).
2 wabiga Awash 746 miles.
3 webi Shebelle 702 miles (waxaa lawadaaga Soomaaliya).
4 webi Ganale Doria 533 miles.
5 webiga  Atbarah 500 miles. (waxaa lawadaaga Sudan).
6 webiga  Omo 472 miles.
7 webiga Tekeze 378 miles (waxaa lawadaaga Sudan iyo Eritreya)
8 webiga Dawa 280 miles (waxaa lawadaaga Kenya iyo Soomaaliya).
9 webiga Weyib 280 miles.
Dhanka dhaqaalaha daqliga Itoobiya waa $216.449 billion, waxay dunida ka tahay dalka 67aad dhanka dhaqaalaha. Sida laga soo xigtay IMF, Itoobiya waxay ka mid noqotay dalalka dhaqaalahoodu sida dhaqsida u korayo, waxaa loo diiwaangeliyay koror dhaqaale oo ah 10% laga soo bilaabo 2004 ilaa 2009. Waxay noqotay dalka ugu dhaqaalaha deggan dalalka Afrika ee aan shidaalka dhoofin. Bishii May, 2015, Bangiga Adduunku wuxuu iftiimiyay in Itoobiya ay sameyn doonto koboc dhaqaale oo deg-deg ah.
Hadaba dalkan aynu ka hadleyno waa dal noocee ah, Itoobiya waxaa dega dhowr qowmiyaddood oo kala af ah. Qowmiyadda ugu ballaaran waa Oromada oo ah 34% waana qowmiyadda uu kasoo jeedo raysal wasaaha hadda xukunka haya ee Abey Axmed. Waxa ku xiga qowmiyadda Amxaarada oo ah 27%. Qowmiyaddan waa tii inta badan ka talin jirtay dalka Itoobiya, waxaa kasoo jeeda boqorkii ugu dambeeyay ee Itoobiya Xeyle Salase.
Waxa kaalinta sedexaad ku jira Soomaalida oo ah 6.2%, oo gumeystihii Ingiriisku ku daray Itoobiya. Qowmiyadda Tigreega ayaa iyana ah tan afaraad, waana 6.1%. Qowmiyadda Tigreega waxaa kasoo jeeda hogaamiyii jabhaddii TPELF Meles Sanawi, oo Itoobiya xukunkeeda hayay intii u deeneysay 1993kii illaa 2012-kii.
Qowmiyadda Sidama ayaa aha 4%.
Qowmiyadda Gurage ayaa ah 2.5%.
Qowmiyadda Welaita ayaa ah 2.3%.
Qowmiyadda Hadiya ayaa ah 1.7%.
Qowmiyadda Cafarta ayaa ah 1.7%.
Qowmiyadda Gamo ayaa ah 1.5%.
Qowmiyadda Gedeo ayaa ah 1.3%.
Qowmiyadda Silte ayaa ah 1.3%.
Qowmiyadda Kefficho ayaa ah 1.2%.
Waxaa kaloo jira qowmiyado yar yar markii la isku geeyo ka noqonaya 8.8%.
Itoobiya waa dalka, Bunka ama Caffeega asalka ah ee dunida la aaminsan yahay inuu ka baxo, waana dalka 5aad ee dunida u dhoofiya Bunka. ama Coffeega. Waxaa kaloo ay dhoofisaa suufka, xoolaha nool iyo qamriga.


Sawirka, Addis Ababa, Itoobiya.

W/Q :- C/Weli Maxamuud Xasan 

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.