Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Suudaan

Suudaan waa dal dhaca dhanka waqooyi bari ee qaaradda Afrika, waxa uu oodwadaag la yahay dalalka, koofurta Suudaan, Itoobiya, Eriteriya, Masar, Jaad, Liibiya iyo jamhuuriyada Afrikada dhexe. Caasimaddiisu waa khartuum waana magaalada ugu wayn dalka,waxay dhacdaa daanta webiga Niil, bartamaha dalka, halka ay ku kulmaan niilka buluugga ah iyo midka cad.

Suudaan waa dalka 15aad ee ugu baaxadda wayn dunida, Afrikkana waa kan sedexaad ee ugu dhulka ballaaran, marka laga soo tago Algeria iyo jamhuuriyadda dimuquraadiga Koongo. Tirada guud ee dadka Suudaan waa 41 milyan, waana dalka 35aad ee ugu dadka badan dunida.

Dalku waxa uu ka kooban yahay 18 gobol iyo 138 degmo. Suudaan waa dalka 10aad ee ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika, iyo dalka 76aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida.
Sidoo kale Sudan waa dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD, silamida waa kan 4aad ee ugu dhaqaalaha badan dalalka islaamku ku badan yahay ee dhaca qaarada Afrika.

Wax soosaarka iyo dhaqaalaha guud ee dalka Suudaan waa $138 bilion, waa dalka 5aad ee ugu shidaal soosaarista badan Afrika. Marka laga soo tago Nigeria, Libya iyo Angola.

Wadanka waxa ka jira nidaam awoodda oo dhami hoostagto xisbiga talada haya, waxaana xukuma madaxwaynaha dalka oo ah hogaamiyaha xukuumadda, Cumar Xasan Albashiir.

Dhanka tacliinta dalkani heer sare ayuu ka gaaray, waxbarashada hoose iyo tan sare ee dalka waa lacag la'aan. Jaamacadda Khartuum ayaa ah jaamacadda ugu wayn uguna wanaagsan dalka, taaso dhisan in kabadan 115 sano.

Sawirka khartuum, Sudan

W/Q :- C/Weli Maxamuud Xasan 


Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.