Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Japan

Japan waa dal Jasiirado ah oo dhaca bariga fog ee qaaradda Asia. Japan waa dal ka kooban 6,852 jasiiradood, oo badankood aan la degganeyn, waxaana ugu waawayn afar jasiiradood oo kala ah, Honshu, Hokkaido, Kyushu iyo Shikoku. Baaxadda dhulka uu ku fadhiyo dalka Japan waa 377kun Km oo wareeg ah, Somalia ayaa ka dhul ballaaran ku dhawaad laba jeer. Tirada guud ee dadka Japan waa 127 milyan oo ruux, waana dalka 10aad ee ugu dadka badan dunida.  Micnaha magaca Japan waa dhulkii qorrax soo baxa, maadaama uu ku yaallo bariga fog ee Aasiya.  Japan waa dal aad u hormaray dad ahaan, dhaqaala ahaan, aqoon ahaan iyo nolol ahaanba.

Japan waa mid kamida wadamada ugu dhaqaalaha badan dunida, sidoo kale waxa uu qayb kayahay 7da dal ee ugu warshadaha iyo waxsoosaarka badan dunida G-7 ama G-8 iyo ururro dhaqaale oo caalami ah.

Japan waa dalka 3aad ee ugu dhaqaalaha badan dunida kaliya waxa kahorreeya Mareykanka iyo Shiinaha.

Dhaqaalaha guud ee dalka Japan waa 5.1 Trilion waa dalka 3aad, sidoo kale Japan waxay kadhaqaalo badan tahay 2 jeer in kabadan guud ahaan qaaradda Africa.

sidoo kale dalka Japan wuxu ka dhaqaalo badan yahay UK iyo France oo kamida isla ururka G-7 ama G-8. Dakhli sanadeedka soogala qofka Japanese-ka ah celcelis ahaan waa $44kun sanadkii.

Qiimaynta hormarka aadanaha (HDI) Japan wa dalka 17aad.
Japan waxay leedahay Shirkado badan oo tignaloojiyad iyo ganacsi ah, Sida Toyota, Nissan, Yokohama, Suzuki, Mitusubishi, Sony, Pasonic iyo kuwo kale.
Japan waa dalka 4aad ee ugu wax dhoofinta badan dunida, sidoo kale waa kan 4aad ee dhanka wax soo dagsashada.
Japan waa dalka 3aad ee ugu badan ee soosaara baabuurta iyo qalabkooda.
Sidoo kale Japan waxay leedahay Shirkadda ugu wayn dunida ee soosaarta baabuurta iyo qalabkooda waa Shirkadda Toyota.

Japan waxa ku yaalla in kabadan dhowr kun oo warshadood kuwaaso qayb wayn kaqaata wax soosaarka dalka. Dalku waxa uu leeyahay boqortooyo la sharfo, iyo Raysalwasaare hogaamiya dawladda dalka.

Japan waxay kamid tahay dalalka ugu dalxiiska badan dunida sanadkii 2016-kii waxa booqday dalxiisayaal gaaraya 24 Milyan oo dalxiise.
Wadanka waxa kuyaal 26 goobood oo qadiimi ah kuwaasoo u diiwaan gashan UNESCO world.

Caasimaddiisu waa Tokyo waana magaalada ugu dadka badan, waxaa ku nool 14 milyan oo qof. Magaalooyinka kale ee dalka waxa kamida Yokohama, Osaka, Nagoya iyo Sapporo.

Waxaan filayaa inaad hore u maqashay dalka Japan malaha ciidan, hadaba ogow Japan waa dawlad leh ciidan xooggan.

Japan waxay leedahay millateriga 9aad ee ugu xooggan dunida, waana dalka 8aad ee lacagta ugu badan ku kharash gareeya ciidamadiisa.

Sawirka: Tokyo, Japan.

W/Q :- C/Weli Maxamuud Xasan 


Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.