XIRIIRKA WANAAGSAN EE LAMAANAHA IS QABA.

Xiriirka Wanaagsan ee Lamaanaha is Qaba waxaa Asal u ah Jaceylka, Kalsoonida, kala Danbaynta iyo Dulqaadka intaa marka la helo ayuu Xiriirkoodu Wanaagsananayaa, waxaana ugu Muhiimsan in la helo Qodobadaan hoos ku qoran:-
1- QANAACADA:- Inaad isku Qanacsanaataan oo midba midka kale ku Qanco Lamaanaha Alle u Qaddaray, kuna Raali noqodo, una Aragto Lamaanahaaga inuu yahay midka Nolosha kula Wadaagaya.
2- HADALKA LAMAANAHA WANAAGSAN:- Kuwada hadla Hadal aad u Macaan oo isku kiin soo Dhaweynaysa, si uu jacaylkiinu u sii Ziyaado, Ogoowna {Kalimada wanaagsan waa Sadaqo}.
3- XALINTA DHIBAATOOYINKA SOO WAJAHDA QOYSKA:- Haddii Dhibaato Timaado waa in Labada Qof ee is Qabaa si wada jir ah u Xaliyaan, markastana iska ilaaliyaan inuu soo Dhex galo wax kala Fogaynaaya.
4- DULQAAD:- Dulqaadku aad ayuu Muhiim u yahay, wuxuuna ilaaliyaa Jiritaanka Qoskay, haddii midkiin kan kale Dhibaato ka soo gaarto, yuu u qaadan waxaan dhici karin ee halaysu dul qaato.
5- IS QURXIN:- is Qurxintu aad ayay Muhiim ugu tahay Lamaanaha waa in lagu Dadaalaa maxaa yeelay waxay Abuurtaa jaceyl hor leh iyo Rabitaan aan Duugoobaynin .
6- NAXRIIS:- Waa in Labada Qof midkoodba kan kale Naxariis u Muujiyaa, ha usii badnaato Xiliga Adag siiba mararka Jiro iyo Dhibaato jirto.
7- QANCIN:- Ku Qanci Lamaanahaaga Nolosha aad wada Noshihiin, ogow Lamaanahaagu waa ka aad Nolol la Wadaagtay, waana kan Aad Dadka iska Doorateen, waxaana loo baahan yahay in mid kastaa kan kale ku Qanco nolosha uu la Nool yahay.
8- IXTIRAAM:- Waa Muhiim in Qof kasta uu isku dayo inuu ixtiraamo kan kale, waxna aan la kala Qarsan waxa jira Lamaane badan oo aan is ogayn Qofba qofka kale uu ka qarinayo Sirtiisa, Arintaasi maaha Arin fiican waxaanay meesha ka saaraysaa Kalsoonida.
9- SOO DHAWAYNA IYO MARXABAYSIINTA LAMAANAHAAGA:- Marka uu baxaayo waa in ka kale si Wanaagsan u sii Macasalaameeyo, sidoo kale marka laysu soo noqdoana laysku soo Dhaweeyo si aad u qiimo badan, waxada noqoneysaan Lamaane markasta isku Cusub, kalgacalkooduna sii Ziyaado.
10- DIKRIGA ALLE:- Badinta Xuska Alle oo Qoysku ku Dadaalaan iyo Cibaabada Habeenkii waxay keentaa Xasilooni iyo Naxariis Daboosha Qoyska.
11- GOGOSHA:- Gogosha wixii ka Dhacay inaan Cidna loo sheegin haddii meelahaa lagaga Sheekeeyo waa nooc ka mida Anshax Xumada, haddii laga Sheekeeyo wixii idin Dhex maray, Diintuna ma Ogola.
12- XIRIIRINTA WAALIDIINTA:- Waa Muhiim in Waalidiinta la Xiriiriyo, waxaana Fiican in Qof kastaa u Arko Qofka kale Waalidkiisa, sidoo kale waxa loo baahan yahay in sida uu Waalidkiisa u Xiriirinayo Waalidka Lamaanihiisana u xiriiiyo .
(Alloow Lamaanaha Muslimiinta Dhexdooda Wanaaji).
Waxaa Qoray:- Macoow Ustaad.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.