Gabadh kasta oo qurux badani ma aha mid qalbi wanaagsan, balse gabadh kaste oo qalbi wanaagsani waa ay qurux badan tahay!!)

Ruux dumar ah oo aad u laf wayn, dheer, garbo waawayn wajigeedana laga cabsanayo ayaa xafiis qareenno (Lawyers) soo gashay. Isla markiiba qareennadii ayaa midh midh u baxay.
Xafiiskii waxa ku soo hadhay gabadh aad u da’ yar oo ku cusub shaqada. Iyada oo hadalkeeda uu ka muuqdo cabsi iyo
warwar badan ayaa waxa ay waydiisay maxaan kuu qabtaa?
Gabadhii : Waxaan ahay haweenay dumar ah oo raggu ka firdhadaan illaa ay da’daydu buuxisay 40 jir, aniga oo maalin gurigayga hor fadhiya ayaa waxa ii timid gabadh aanu jaar ahayn, waxay igu tiri nin maal qabeen ah ayaan kuu hayaa waxaa uu leeyahay 4 caruur ah oo hooyadood geeriyootay. Waxa kaliya uu rabaa in uu ku guursado balse hal shardi, in aad xaas u noqoto hase yeeshee aad wax xuquuq ah waydiisan. Aniga oo dhinacyada jalleecin ayaan aqbalay. Sannadadii ayaa is daba maray aniga oo caruurtiisii sidii ubad aan dhalay u daryeelaya, noloshoodii ayaan farxad iyo raynrayn kusoo kordhiyay, waxaanu isku noqonay hooyo iyo ubadkeed. Kama dambayntii waxaan ku guulaystay qalbigiisii oo dunida inta ku dul nool aniga ayuu iigu jelcaaday iina dhamaystiray xuquuqdii ay xaasku saygeeda ku lahayd. Hadaba maanta waxaan kuugu imid, ninkaygii waa
uu geeriyooday, waxaanuu iiga tagay maal badan oo malaayiin kor u dhaafay, caruurtiisiina waa ay isku raaceen in aan xoolahaas xaq u yeeshay! Hase ahaatee anigu waxaan rabaa in aan sida ay
xoolahaasi u dhan yihiin caruurta u qaybiyo, waraaqihii uu ninkaygu ii saxeexay waa kuwan si aad hadalkayga u rumaysatid. Gabadhii qareenka ahayd oo ka fajacsa xoolaha looga tagay ayaa fajac iyo layaab afka kala qaaday, iyada oo qajilaad iyo naxdin la anfariirsan
ayaa waxa ay waydiisay maxaad u haysan wayday xoolahan oo aad adigu ugu takar fali wayday? Waxa ay ugu jawaabtay: Maya, Ilaahay waxa uu iga siiyay reerkayga kalgacayl iyo farxad aan noloshayda ka quusatay, Ilaahii farxadaas iyo raaxadaa qalbiga isiiyay ayaan ugu mahad
naqayaa mana u baahni wax kale oo dunida
dusheeda yaalla!

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.