AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL
Haddaba, markaan saas ogaaday baan waxaan xusuustay jeeniqaar cagabaruurkii ah, oo aan geedka degdeg ula soo koray nadxintii, halkaasaanu isagii kala goosannay, maalintii oo dhanna geedkii baanu sidii ugu joognay.
Goortay casar dheer ahayd, ayey sidii si le’eg gooshii iyadoo ay la socdaan laba aar soo ciyeen oo geedkii hoos yimaaddeen. Habeenkaas labaad waa habeenkay noogu darrayd oo libaaxyadii oo dhan ayaa xooggoodii isugu geeyey geedkii inay lulaan. Haddaba goortay ahayd habeenkii gelinkiisii dambe, ayaa lulooyaa iyo baqayaa mooyee ninkii labaad geedkii ka dhacay oo ku dul dhacay libaaxyadii. Wuxuu la kulmayna waad malaynaysaa. Haddaan keligey raggii ka haray oo waagii saas iigu beryey maalintii labaadna geedkii dushiisii sidii u saarrahay oo aan naf iyo nolol ka quustay, waxa keliya aan filayeyna ay ahayd gabbalkoo ii dhaca oo libaaxyadiina sidoodii isaga yimaaddaan, Ayaan intaan bisinkii Ilaahay cuskaday Yaasiinka Qoraankana oo aan kor ka hayo akhristay il Ilaaahay iga badbaadiyo dhibaatadii i haysatay. Calimaaxaw waxaa la yiraahdaa, bisin Allan in bilaabay belaayo uma timaaddo.
Waxay kaloo Soomaalidu tiraahdaa, naftii Ilaahay bixinaayo ninna ma joojin karo tii aanu dilaynna libaax labadiisa daan ayuu ku badbaadiyaa. Haddaba, gooray hargalkii ahayd ayaa beelo hayaan ahi ku soo beegmeen geedkaan saarraa. Markii aan arkay awrtii geeddiga ahayd iyo xoolihii ayaan damcay inaan u qayliyo dadkii, hase ahaatee waan kari waayey inaan labada debnood kala furo. Iyadoo haddaba aan waxaan sameeyo garan waayey ayaa xagga Ilaahay gabar gashaantiya geedkii soo ag martay oo raqdii meesha tiillay dareen ka galay. Markaasaan intaan laan qallalan jebiyey ku tuuray oo madaxa kala helay. Markii qorigii gabartii madaxa kaga dhacay ayey tiri “hayaay tolow ma samadaa layga dilayaa.” Markaasaan mar labaad ku tuuray mid kale oo uu horteeda ku dhacay, kolkaasay dareentay in geedka cidi ku joogto oo i soo eegtay, amminkiibana jalleeciddii u horaysey ayaa isheedi igu dhacday inaan geedka saarrahay. Halkaasay intay dadkii u qaylisay geedkii la iga dejiyey oo si fiican la ii dhuunyey. Muddo dabadeedna waxaan guursaday gabartii geedka iga heshay si aan ugu abaal gudo. Gabartii shalayto ku heshayna waa gabadheedii curad oo aan anigu aabbeheed ahay.
Haddaba, Calimaaxaw in kastoo ay dhibaato weyni ku heshay laba hal oo aniga ila kulmay kumay helin. Waayo taan u horraysa meeshaad sagaarada ka cuntay waxaan anigu ka cunay dhal libaax gaajo daraaddeed, oo weliba baranbarqadii dhashay igu soo dul joogsatay anoo wax ka dubanaaya. Tan labaadna in kastoo aad sheegtay inay bahaluhu hareeragaaga gurxamaayeen oy maydadkii kale ku cunaayeen agtaada, hase ahaatee weli maad arag libaax intuu labada jeeni kala rogay saaxiibadaa oo hortaada hadba intuu miciyaha daro cantuugo rudho, oo aad calaliskiisa iyo curduqda leqiddiisa sax iyo maan u maqlaysid.”
Cali baa markaas hadalkii qaatoo yiri “horta Warfaayow waa runtaa oo anigu dhal libaax gaajo daraaddeed uma cunin, rag jaallayaashay ahna hortayda libaax kuma ruugin, laakiinse waxaan kuu sheegayaa inuu shabeelku ka belaysan yahay libaaxa, waayo waxaa la yiri, shabeel baa beri libaax ku yiri, libaaxow bal ama boqon nin la xoog noqo, ama boqol nin la xirrib noqo. Markaasuu libaaxii wuxuu doortay inuu boqol nink la xoog noqdo, halkaasaa shabeelkiina la xirrib noqday boqol nin.
Sidaas awgeed baan shabeelka meella loogga baxsan karin, oo geed haddaad fuushid waa kuugu soo korayaa, haddaad kal ama meel biya ah ka gashidna dabbaal buu kuugu imanaayaa. Markaas waxaa cad inuu shabeelku ka khatarsan yahay, oo ka khayaano badan yahay, oo ka xirrib dheer yahay libaaxa xoogga iyo lixaadka ku faana.
La Soco Qaybta 11aad
Comments