AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL


 DUULLAANKII DARAAWIISHTA EE “BADDACAS”

Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa “BADDACAS” oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost.

Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso.

Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ahayd marka magaalooyinkaas daraawiishtu qabsato, inay isla markaas gacanta ku dhigaan waxa doonyo marsooyinkaas dhigan. Doonyahaas waxay daraawiishtu la damacsanayd inay ciidan ku gurto oo markaas Baddacas kaga gudubto ilaa magaalada Cadmeed, dabadeedna ciidamadii Ingiriiska oo halkaas fadhiyey ku soo baabiyaan iyagoo warmaqabto ah.

Haddaba, bacdamaa Calimaax ahaa ninkii Cadan soo ilaaleeyey meelihii ciidamada Ingiriisku degganaayeen, isla markaasna uu ahaa nin badaha aqoon dheer u leh, wuxuu amar hoose ku qabay, isagoo abbaanduulihii keliyi la ogyahay in mar alla marka la qabsado magaalooyinkaas uu ciidan u gaar ah oo soomajeestayaal ah doonyihii ku guro, oo kaga dejiyo habeen labaadka buurta la yiraahdo Jabalshamsaan dhankeeda cadceed ka soo bax, halkaasna uu weerar kaga qaado ciidamadii Ingiriiska intaan waagu u beryin.


Ciidamadii Daraawiishtu waxay ka baxeen Taleex taariikhdaas sheegan iyagoo toobinka haya, wuxuuna ciidankaasi u kala baxsanaa saddex madax. Madaxa hore waxaa la oran jirey Maarraweyn wuxuuna ka degey dhabbada Tabca isagoo beegaayey Xiis, Maydh in Conqor. Madaxii labaad oo ahaa Indhabadan wuxuu ka degey Geeldoora isagoo beegaayey Laasqoray, Ceelaayo iyo Boosaaso, kii saddexaad oo ahaa Garboh wuxuu ka degey laba dhaxaaddii labadaas ciidan u dhexaysey ee dooxada Jiidali ku beegan.


Haddaba, Calimaax wuxuu ka tirsanaa ciidankii labaad ee Indhabadan la oran jirey, beegayna dhanka ugu bariyeysa. Sida la ogsoon yahay ciidamadii Daraawiishtu toddoba maalmood bay ku qabsadeen magaalooyinkii xeebaha kuna baabiyeen ciidamadii gumaystaha iyo kuwii la socdey.

Waxse nasiib derri ahayd oo fuli weydey xeeladdii duullaanka tabatabaynteedii labaad oo ahayd in doonyaha marsooyinka dhigan oo dhan gacanta Daraawiishti ku dhigto oo magaalada Cadmeed ciidan loogu gudbiyo.

Taasna waxaa u sabab ahaa dadkii doonyaha lahaa oo Daraawiishta ka soo horjeeday, ayaa markay u caddaatay inay jabeen berrigiina lagaga adkaaday la baxsaday doonyihii, iyagoo u qayla geynaaya Ingiriiskii Cadan iyo Berbera fadhiyey.


Sidaasay ugu suura geli weydey madaxdii Daraawiishta tallaabadii labaad ee xeeladdii duullaanka “BADDACAS” oo ahayd tii u weyneyd oo uu ugu dambaystii Sayidkii dhigay Calimaaxna la rabay inuu fuliyo oo ka gudbo Baddacas isagoo ciidan xoogel doonyo ku sida abbaarana soona baabiyo Ingiriiskii uurada lahaa meeluhuu ka soo duuli jirey. Waxaa dhacday in Cawrali kala qayb gashay dagaalkii ciidankii kowaad ee Maaraweyne oo qabsaday magaalada Xiis iyada iyo geeladeed Saluugla oo mar alla markay maqleen Daraawiish baa soo gashay magaalada ay marada dhexda ku duubteen oo mashxarad hareerta kala raaceen ciidankii.


 Cawrali dagaalka waxay uga qayb gashay oo wacdaraha u dhigtay laba hal. Tan u horraysa iyadoo garansanayd inay Daraawiishtu gobannimada dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka ka ilaalinaysey gaalada. Tan labaad iyadoo intay dagaalamaysey misana Calimaax ka baareysey inuu ragga ku dhex jiray. Waxse ayaan darri ahayd inuu raacay ciidankii saddexaad ee dhanka ugu bariyeysa ka degay oo Laasqoray, Durduri, Lasmacan, iyo Ceelaayo qabsaday.


Inay saasi jirtey oo Calimaax ciidankaas raacay waxaa u sheegay Cawrala markii gaaladii laga guuleystay Darawiish Bile oo uu farriin u dhiibey. Jaalle Bile wuxuu u yimi Cawrala gooray fiid hore weli tahay, iyadoo gurigoodii debeddiisa fadhida oo Saluuglina ag taagan tahay. Wuxuu Bile yiri, “baayooyin ma ii sheegi kartaan gabadha la yiraahdo Cawrala?” Markaasaa Cawrali tiri “maxaad u rabtaa?” Wuxuu Darawiishkii Bile ugu jawaabay, “farriin degdeg ah baan u sidaa ee midkiinna ma tahay?” Cawralaa markaas fadhigii ka so boodday oo tiri “xaggee baad uga siddaa waa aniga eh?” Wuxuu ku yiri markaas “yaad ka filaysey oo Xarun kaa jooga?” Waxay tiri “waa layga jiraa ee ii dedeji farriinta.” Halkaasuu Darawiishkii ku yiri Cawrala “wuxuu Calimaax afka iga soo faray salaam iyo mahad badan. Wuxuu kaloo yiri waxaad ku tiraahdaa Cawrala waad ku mahadsantahay warqaaddaadii macaanayd oo habka iyo hannaanka wanaagsan u qorrayd. Wuxuu kaloo intaas ku daray inaan kuu sheego in kastoo warqaaddii dhibaatooyin iyo danqaaro gaarsiisay, akhrigii ay u akhriyeen dad ay isku xilleeyihiin misna wuu quuri waayey murtideedii macaanayd oo wuxuu u xirtay sidii qardhaaseed intuu gal gashey, intaas wuxuu ku daray inaan kuu sheego inuu kuu imanaayo mar alla marka gaalada laga adkaado oo Maakhirkoost Ingiriiska laga saaro, iyo salaam kashiisa iyo laabtiisa ka soo go’day.


Haddii Darawiishkii Bile uu dhammeeyey farriintii ayay Cawrala ku tiri “walaal Darawiish gartay farriintiiye maxaa magacaaga la yiraahdaa? Maxaadse kaloo iiga sheegi kartaa ninka farriintaas kuu soo dhiibey?” Darawiishkii Bilaa markaas yiri “horta intaanan war kaa siin ninkaas, ma waxaad tahay gabadhii u soo dirtay xaashida jacaylka?” Cawralaa tiri markaas “maxaa adiga ku ogeysiiyey xogtiisa iyo xaashida jacaylka?” Wuxuu ugu jawaabay “oo taas magaratada Xarunta joogta oo dhan baa oge ceeb weynina waa ka gaartay oo xaal baa lagaga qaatay. Haddase sidaan isku ogayn wuxuu damacsan yahay marka dagaalku joogsado oo la curyaamiyo gaalada inuu kuu yimaaddo haddii uu bedqabo.”


Cawrali waxay ka walaacday warkaas uu u sheegay ninkii oo xaashideedii ku saabsanaa, isla markaas waxaa werwer sii gelisay sababta Cali u soo raaci waayey ciidankii Xiis. Haddii laba caanamaal Daraawiishtii u dabbaaldegaysey guushay heshay ee ka heshay Ingiriiskii oo Maakhirkoost oo dhan ka saareen, ayuu Cawrala u yimid goor ay tahay fiid hore Darawiishkii Bile isagoo war dhiilla ah u sida. Warkaasoo ahaa inuu Calimaax ku geeriyooday meesha la yiraahdo Gurifaras oo Calmadow ah. Cawralaa markay warkii maqashay gambarkay ku fadhidey kor uga booddey oo tiri “Bilow! Ba’ayeeym Bilow ba’ayeey war warku ma yahay mid sugan?” Markaasuu ugu jawaabey “loo noqon maayo, waayo waa war rasmi ah oo waxa laga soo weriyey Taliskii bari qabsaday inuu Calimaax ka mid yahay raggii jannaw oo jahaadka ku dhintay, oo niman raacda reeb ahi gorodda ka gooyeen.”

Halkaasaa Cawrali ku barooratay, iyadoo gacmaha madaxa ku haysa oo leh:


“Calafkey go’yey Cali waayayey,


oo waaniga cidlada caawdaa fadhiyoo,


cishqigii i helay la caraancaroo,


calafkay go’yey Cali waayayeey,


oo Caligaan jeclaa u calaacalee,


anoo ciid galaa caynkan iiga roon,


calafkay go’yey Cali waayayey,


oo cadawgii helaa ciil iga hayaa,


Calafkey go’yey Cali waayayey,


In cabbaar ah markay Cawrali barooranaysey ayaa geeladeed Saluugli u timid oo isku dayday inay aamusiiso, hase ahaatee way kari weydey, markaasaana Cawrala hooyadeed intay aad iyo aad u qaylisay tiri “naa aniga gurigayga iiga bax oo la aad oohintaada meel baas iyo meel daran iyo reero muskood.”


Halkaasaa Saluugli kaxaysatay Cawrala markii gurigii laga cayrshey, iyadoo ku sasabaysa inay aamusto oo ba’ayda iyo baroorta iska dayso. Saluugli waxay damacday inay geyso gurigoodii, laakiinse Cawaralaa diiddey oo ku tiri “Saluugla waxaan kaa codsanayaa inaad dad oo dhan iga fogaysaa oo aad i geysaa badda agteeda halkaynu habeenkii dhoweyd fadhiney.” Saluugli sidii bay yeeshay oo meehsii cammuudda tamuuxa ah lahayd badduna in yar u jirtey oo ku soo faaxaysey bay geysey.


Markii goobtaas la fadhiistay oo in yar la joogey ayaa Saluugli tiri “Cawaralaay Soomaalidu waxay tiraahdaa geeridu waxay ku wanaagsan tahay geel jire iyo nimaadan aqoon.” Cawralaa tiri “waa runtaaye Saluuglaay bal i dhegayso:


La  yee Cali baa geeriyoodoo go’ay,


La yee gorodday ka gooyeen,


La yee geesigii godkow hoyayeym


La yee Guudmanaa ayaa la dhigoo


La yee gorgorkiyo haadkaa gigayey,


La yee gaaladii ayaa gambashee,


Isagoo galow xamar ku gaardiyo oo,


Guutadii heeganayd guubaabinayoo,


La yee gadaal bay ka gaadeen,


Mar hadduu go’ay geesigii Maax,


Goorteer aanan nolol ku gaarayn,


Allaylee gacal waayee aan go’o,


Markay baddu guuxday gugii tegey,


Daruur gudgudene geb soo tiri,


Cirkiina guguc iyo hillaac galay,


Oo mawjada gudbanoo garaangarani,


Doonnidii soo galeen gol iyo hoos,


Oo go’aydu yeertay goonyaha,


Gargaarkuu i gargaari anoo go’ila


I garab galay gelin dhexaadkii


Iyo guudkuu igu qaaday baan gocan,


Abaalkuu ii galay anaan gudinoo,


Godolna haasaawin ayuu go’ay,


Allaylehe gacal waayey aan go’o,


markuu gugu da’o geelo ramag yahay,


galool ubax laan lahaa geeyoo,


garoorka ku sii gammun culan,


guur iyo waxaan lahaa aroos gala,


guri aan ilaxidhaan lahaa geeyoo,


gogosha u dhigilaa dugaha hore,


wayey gaaladeer hadmaan ganiyoo,


wayey godobtay hadmaan gudanoo,


gaydhaan qabo goormaan ka gaylami,


abaalkuu ii galay anaan gudin,


godolna haasaawin ayuu go’ay,


allayle gacal waayey aan go’o,


go’aye jacaylkaygi geeryoo,


oo garkiyo wadnahaa i kala go’an,


ma goob leelleel baan gondaha dhigay,


dar aan I gayeen u gacan galay,


guuldarro ku mutaystay geel badanoo,


guunnimaa iiga roon geddaan ahay.


Intay Cawrali heeseysay Saluugli waa dhinac fadhidey iyadoo xagna ka yaabban xagna ka naxaysa uguna barowdiiqaysa deddada iyo diifta haysa Cawarala, waxayna ku tiri markay heesii dhammaysay “Cawralaay Ilaahay samir iyo iimaan ha kaa siiyo ninkaas ee ina keen hoyanne.” Markaasaa Cawrali ugu jawaabtay “waa tahaye horta waa xumadaysnahay waxaad ii keentaa koob biyo qabow ah, halkanaan kugu sii sugayaaye.” Saluugli sidii bay yeeshay oo magaaladii bay koob biya ah uga doontay.


Haddaba, hadday in yar ka sii maqnayd ayaa Cawrali circa ka maqashay cod macaan oo leh:


Cawralaay ma geeryoodo nin geesiyi,


manuu go’o hadduu gobdoon yahay, oo


gumeystiyo gaalo weetayn,


Cawralaay  ma geeriyoodo nin geesiyi,


Geyigiisa xornimo u goobaayoo,


Gardarada ka diiday goboray,


Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,


Galow iyo geenyo heenseeyo,


Golisna ku rafaadshay gaalada,


Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,


Gaashaanka ku qaatay gacan bidix,


Oo gamaska ku riddeeyey gol midigtii,


Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,


Gaajada iyo diiday gunnimadii,


Oo galtidii timi guban ku cayrsaday,


Cawralaay ma geeriyoodo nin geesiyi,


Gumeystaha guluf ku weeraray,


Ka guuleystay gooshiyaal badan,


Dayaxu ma gabdhin maanu gabax oran,


Ha yeeshee gashuu degey way guduudnayd,


Ee ha gacan gelin jeer gu’ soor da’o.”


Habeenkaas, dayax buuxa oo ifkiisa iyo kaahiisu taam yihiin baa jirey oo mar alla markay codkii macaana oo circa ka yeeray maqashay, oo ayse u kala garan weydey waxa heesaayey dad iyo jinni miduu yahay, ayey fadhigii ka kacday oo beeg u sara joogsaday, iyadoo hareeraheeda iyo guudkeeda daydayeysa, markaasay tiri “war yaa ila hadlaaya? War yaa ila hadlay?” Markaasaa isla codkii ugu jawaabay “waa Cirsan-ka-yeer.” Halkaasay Iyana tiri “Cawadada helay ee maad ii timaaddid oo si fiican iigu warrantid?” Wuxuu markaas ugu jawaabay inuu warkiisii ku kooban yahay saddexda tixood oo u dambeeyey heestiisii. Haddaba in kastay dhowr jeer la hadashay oo su’aalo ku celisey wax jawaab ah kuma celin mar dambe Cirsan-ka-yeerkii.

Gooray walaacsan tahay cabsina gashay oo ay isku deyeyso inay xasuusan tahay erayadii lagula hadlay weliba saddexdii weerood oo u dambeeyey ayaa waxaa u timid Saluugla oo biyihii u sidda. Saluugli waxay aragtay inay Cawrali siyeeysantahay oo dhididsan tahay oo sidii wax kale ku soo kordheen sisaanyaheed leh.

Cawralaa, Saluugla ku tiri markay oon baxday “Saluuglaay haddan wax kuu sheego waxaad oran doontaa waxbaa kuu dhiman oo i rumaysanmaysid.” Halkaasay uga sheekaysay waxay la kulantay oo dhan, inkastaanay tixihii u dambeeyey oo ah kuwii gaar ahaan loo xusuusiyey sheegin, hase ahaatee siday u sheegtay hortiba may rumaysan warkeedi Saluugla. Markay sheekadii u dhamaysay ayey Saluugli ku tiri “waxaan u malaynayaa inaadan dhamayne ee ina keen waa goor dambe’e aan hoyannee.” Halkaasaa lays raacay oo la gurya tegey goor ay ku dhoweyd saqdii dhexe.


La Soco Qaybta 9aad

Comments

Popular posts from this blog

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.