Ubixii Rajada

Inkasta oo ay noloshu adkayd, habaryartayna aanay aad ii jeclayn, waxaan u muuqday qof nolosha wax uga soo bilaabmayaan. Wax baan malayn jiray, wax baan sababayn jiray, wax baan aamini jiray, waxna waan ka wada baran jiray. Habaryartay ayaan la ducaysan jiray. Ilaahay ayaan la baryi jiray. Waxay ii sheegtay in Ilaahay samada joogo, kolkaasaan kor eegi jiray. Waxaan weydiiyay inuu Ilaahay i jecel yahay. Waxay ii sheegtay inuu Ilaahay qof walba jecel yahay, xataa kuwa neceb ee dembi-falayaasha ah, weli wuu sii jecel yahay, uu quudiyo, uu ruuxiyaa, uu neefsiiyo oo uu weliba haddii uu doono jannada geliyo.

Waxaan kor u fiiriyay markii ugu horreysay Ilaahay si addoonnimo ah. Inkasta oo aanan arki karayn haddana waan rumeystay, waxaanan ka rejeeyay inuu daymo naxariis leh igu soo celiyo. Marmar ayaan keligay ducaysan jiray oon si gaar ah Ilaahay ula fiqi jiray. Waan ogsoonaa inuu maqlayo. Mararka qaar aniga oo hiimhiimsanaya oo hoos u ooyaya ayaan Ilaahay weydiin jiray sababta uu aniga noloshan iigu dooray.

Laakiin noloshaydu waxay u ekayd mid lugo badan isku taagaysa. Waxaan la soo kacayay han iyo yuhuun curdin ah oon ku rabo inaan nolosha iyo qorshayaasha wanaagsan ee Ilaahay iigu talogalay ku qaabbilo. Habaryartay ninkeedu sigaarle yar oo uu sameeyay markii uu qaxoontinnimada bilaabay ayuu tukaan u rogay oo dhaqaalaha qoyskiisu iskufilnaan ayuu ku taami rabay. Inkasta oo aanan aad uga weynayn carruurtii uu dhalay, aniga fiiro gaar ah imuu siin jirin. Damac ayaa se ku beernaa. Si uu iila macaamilo ayuu markii horeba garan la’aa. Maalmahan se xodxodasho dheeraad ah ayuu bilaabay. Damaca waalan ee xanuunka ah ayaa illowsiiyay inaan ahay inantiisii uu intaas soo korinayay. Ajar iyo kheyr wixii uu hore ii gashaday ayuu ku burburiyay doonis qalloocda oo aan suurtogal ahayn, kaddibna wuxu yiqiinsaday inaanay sinnaba taasi ugu fuli karin.  Wuxu ii qaaday colaad aanu gar iigu lahayn.

Maalintaas ayuu bilaabay dejinta qorshihii gurigiisa la igaga caydhin lahaa. Wuxu igu wanjalay lacag aanan xadin, habaryartayna si ba’an ayay ka fiirsasho la’aan iigu garaacday. Waxa la iga dhigay tuugo. Laakiin maalinkii u dambeeyay ee guriga habaryartay la iga soo saaro, wuxu kama dambaystii igu masabiday habaryartayna ka dhaadhiciyay inaan cuntada sun ugu dari rabay, sidaas daraaddeed aanan qoyskooda qayb ka sii ahaan karin.

Qore:-Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.