Ubixii Rajada
[Sheeko Gaaban oo male-awaal Ah, salkna ku haysa dhacdo nololeed oo xaqiiq ah]
Magacaygu waa Ubax. Da’daydu waxay madaxa la gelaysaa 15 gu’. Ma lihi magac labaad, saddexaad ama abtirsiimo isir midna. Ma lihi qabiil, qolo iyo qaran toonna. Diin iyo ma aqaanno waxba. Waa ani iyo duni iyo keli! Maan doorannin laakiin waxaan is arkay uun anigoo nolosha ifka dhex jooga, manay ahay goob iyo goor layga soo dhoweeyay.
Markii aan uurka hooyaday gelayay, aabbahay kamuu raalli ahayn. Sidaas darteed, wuu iga dhaartay markii uu maqlay warkii bushaaradayda, waxaanu wacad ku maray in haddii ay hooyaday sheegato uu na wada dili doono. Inkasta oo aan guriga ayeyday ku dhashay, malaha kama aan qiime badnayn dheg ubax ah oo ku dul curatay xayaabkii wejhadda gurigaas ku yaallay. Malaa waa sababta magaca Ubax la iigu bixiyay.
Anigoo mujo ah ayay hooyaday naaska iga goysay. Markii ay u adkaysan weyday dhegxumadii, xantii iyo caydii dadka ayay arag iyo urba igala fogaatay. Waxa aan mar dambe ogaaday inay firxadkeeda ugu war dambaysay magaalo-xeebeed ay doon ka raacday. Maalintaas kaddib waxa dhulka iga qaadday ayeyday. Waxay ahayd qofkii labaad ee keli ahaa noloshayda ee indho naxariis igu soo eegay. Ta hore waxay ahayd hooyaday, laakiin hooyaday noloshayda iyo teedaba waxay uga firxatay kolkii ay xammili weyday gudashada culayska waajibkeeda nololeed.
Ayeyday inkasta oo ay hooyaday indho cadow ku fiirisay, haddana aniga mar walba waxay i dareensiin jirtay inaan ahay dembiile garawshiiyo u baahan. Mararka qaarkood ayay habaryartay ku qasbi jirtay inay i naasnuujiso. Illeen wanaag kuuma waaree, ayeydayna aniga oo raad-dhaqaajis ah ayay iyada oo aad u cimri badatay geeriyootay. Waxa i kafaaloqaadday habaryartay keli ahayd. Nolosha wax rixin ii lahaa ayay qudhi ahayd. Inkasta oo aanay badnayn, mararka qaar ayay ficil iigu muujin jirtay waxa qalbigeeda iiga buuxa. Waxaan ula muuqan jiray waslad ku dheeraad ah dunida, anigu se waxaan aaminsanaa inay jiraan mar walba sababo maangal ah oo uu Ilaahay abuuristayda ka lahaa.
Waxaan ka soo toosi jiray gurigii weynaa ee fiillada ahaa ee habaryartay. Dadka noloshayda guudka ka daawada sida asxaabtayda xaafadaha jaarku, waxay u haysteen inaan ina-boqor ahay. Daarta aan ka soo tooso iyo cunnada saddexda wakhti ayay u haysteen inaan badhaadhe adduun iigu idil yahay. Waxay moogganaayeen in kashaydu engegnayd. Waxay moogganaayeen in nuxurka noloshu yahay jacaylka, daryeelka, naxariista, qaddarinta iyo gacaltooyada. Maan garan karayn sababta ay waxa dhacayaa u dhacayeen. Laakiin waxaan arkayay jaho-wareerka dadka, waxaanan maqlayay gariirka gantaalaha hubka. Maalinba maalin ayay ka soo xumaanaysay. Maalinba maalin ayay ka soo dhowaanaysay, illaa maalinkii dambe aan maqlayay dhawaaqa qarshinka rasaasta oo sida dhibaca dhagaxyaalaha dhegahayga uga sii guuxaya. Maan fahmi karin sababta dadkii waaweynaa ee afka isku garan jiray iskugu fahmi waayeen ugana door bideen isdilka.
Xayaabkii ubaxa lahaa ee gurigayaga ka hor beernaa ayaa qaadhay, kogay, dabadeed qallalay. Maalintaas ayaa caleentii guudkayga saarnayd soo dhacday. Aniga iyo ubixii xayaabkaba waxa gelelefay damac-beenoodyadii baaddilka ahaa ee qawlaysato ku diriraysay saami-qaybsiga xukun oo burburinayay wixii ay wada lahaayeen.
Firxadkii qaxa iyo badbaado-raadiska oon ku weheliyay habaryartay iyo qoyskeeda ayaan kama dambaystii cidhibdhigannay xerada qaxoontiga ee Nick Valley. Wuxu ahaa daadduun ka soo bilowday geeska Africa oo ku dhammaaday bariga Africa. Ammaankayaga iyo noloshaydaba waa la qaabbilay. Waxaannu iska wada ahayn qaadaa dhereg. Waxay ahayd nolol iska geeri ah iyo geeri iska nolol ah. Waxay doorasho-la’aantayadu nagu qasbaysay inaannu ku wada badhaadhno wixii Alle noo wada calfo.
Qore:- Dhamme Maxamuud Axmed
Abdirahman431@hotmail.com

Comments