Posts

Showing posts from September, 2020

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
Waxaa jirtay inay dhowr jeer ilbidhiq ku arkeen markay mawjaduhu is gedgediyaayeen meel cabbaar u jirta ee ka yar horraysa waxay u maleeyeen madaxyo dad, oo qoryo ku jooga lagana yaabo inay ahaayeen dadkii doonnida kula jirey qaar ka mid ah. Cawralaa markaas weydiisey Calimaax, waxayna ku tiri, “Caliyow ma laga yaabaa dadkaas inna ka horreya oo looxaanta waxa u eg ku jooga inuu ku jiro ninkii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise?” Cali baa markaas wuxuu ugu jaawaabay “Cawralaay kaasi inna ka horreyn maayo, waayo dabbaasha ma aqoon siduu igu yiri.” Calimaax wuxuu Cawrala dusha ku sidaba waxaa niyadsami gashay oo orodkii dabbaasha kordhiyey markay u muuqatay buurta Suradeed feeqeeda dheer. Hadday soo dhowaadeen oo xeebtii u yimaaddeen in hal kiilomitir ah, ayaa Cawrali Calimaax ku tiri “Calimaaxoow sida ii muuqata baddan badbaadaynu kaga baxaynaa, in yar baana innoo ka hartay xeebtii, markaas lagama yaabo inaynu dib isugu cidlaysanno oo hadal ku kala bogannee, waxaan kuu sii sheegayaa inaad ma

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
 Saluugla waxay tiri, waa ruux waaya arag ahayde, “waxaan ku dardaarmayaa laba hale hablahaan weli la guursan iga gaarsiiya. Waxay tiri Guunnimo waa geeri haween, Guur odayna waa geesaas haween ” Tii labaad oo la yiraahdo haweeya baa waxay tiri, “naa anigu geesaas iyo meesaas waxba ka garan maayee, waxaad hooyaday iga gaarsiisaan haddaan qaraqmo inay haweyneyda la yiraahdo Dhool Rooble ee Xiis deggeni igu leedahay laba madaal oo sonkor ah, iyo tan haruura oo aan ka qarddaystaye ha iga bixiso yaan aakhiro loxodka laygu gubine.” Cawrala markaas hadashayoo tiri, “horta habalayahow lagama yaabo inuu ilaahay caawa igu dilo doonnidaan, sababtoo ah hooyaday oo xiddiga tiriska aad u taqaan ayaa waxay igu tiri waxaad dhalatay markay xiddigta Afaggaallo la yiraahdo soo baxday, Soomaaliduna waxay ku tilmaantaa ilmaha xiddiigtaas dhalashadiisula kulanto inuu nasiib iyo hoodo”. Tan labaad oo aan ilaah uga raja xumaynna waxay tahay, hadee weli adduunka waxba kama dhadhamin macaan iyo qaraar mid kast

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
  Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahadduu an laa Ilaaha Illalaahu wa asahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax. haya cala falaax” Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “sheekadaas jacaylka ah habeen dambe baan u dhiganayna, waayo waagii baa baryey hadda oo waxaa laga yaabaa iney inta raggu ina maqlaan”. *** Inkastoo maayad Hindiyihii jirtay habeenkaas, hase ahaatee baddu aad bay u degganayd dadkoo dhammina waxay ku caweeyeen ilaa waagu galalac yiri haasaawihii iyo murankii dhex maray Calimaax iyo Nuur Ciise, rag badanina ka qayb qaateen, ruux wareerana waxaa u danbeeyey Nuur Ciise, isaguna markii Cali xifaaleeyey ayaa ugu dambeysay. Maalin labaaddii oo bisha Maarso ahayd 26, waxay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay oo kaliil hogad ah, waana maalinta sida la ogyahay gugu ka bilaabmo dalka Soomaaliyeed. Markaa kulkii

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL

Image
SAFARKII DOONNIDA IYO KULANKII CAWRALA IYO CALIMAAX Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Calimaax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas. Doonnidaas oo la oran jirey SUBXAAN ayaa waxay ka soo shiraaqatay makhribkii marsada Cadmeed markay taariikhdu ahayd 25 kii Maarso 1915 kii, waxaa doonnida la socdey 15 rakaab ah, oy 12 tahay rag, saddexna haween iyo 20 ah badmaaxyadii doonnida ka shaqaynaayey. Sidey caadadu ahayd 3 (saddexdii) haween waxaa loo gogley huuriga dushiisii oo halka ragga rakaabka ahi fadhiyeen saddex talloobo u jirtey. Habbenkaas hore waxaa jirey dayax shan iyo tobnaad ah cirkuna waa cusbaa oo daruuraha gudgude sansaantoodaa munqanaysey oo labadii shiraacba waa buuxeen, hadbase doonnidu waa muraamaynaysey waana kordhinaysey muraanmenteeda markay badweynta hore ugu soo martaba. Markay abbaa

AQOON DARRO WAA U NACAB JACAYL Q 1aad

Image
  .......Qaybta 1aad ee Sheeka....... In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday Soomaaliya, Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Calimaax. Calimaax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali. Cawrala Barre waxay ku dhalatay markay taariikhdu qiyaastii ahayd 1893kii dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan. In kastoo yaraanteedii ay magaalada joogi jirtey inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxay badsan jirtey miyiga halkaasoo aabbaheed ku dhaqan jirey xool

Erayo Jaceyl oo Macaan

Image
 erayo jaceyl: Rajadaydu waxay ku xirneyd kaliya maqalkiisa berri. Waxaan soo toosay aroortii xigtay maba joogaba oo mar hore ayuu baxay,meelaha Ayaan fiirfiiriyay waxaan arkay warqad miiska saran waxeyna u qorneyd sidan: “Anigu ma kuu keeni laheyn ubaxa , laakiin fadlan ii ogolow inaan sharraxo sababaha aanan kuugu keeneyn.. markii aan intaa akhriyay markiiba waan qalbi jabay. Waxaan sii waday akhrinta. “Marka aad isticmaaleysid kombiyuutarka, waxaad mar mar la kulantaa dhibaato kaaga timaada softwereka oo waxbaa kaa tirma ama kaa baxa waxaad ku qaylisaa shaashadda horteeda, markaasi waa inaan kugu badbaadiyaa faraheyga si aan kuu caawiyo oona dib kuugu soo celiyo barnaamijyada. Mararka qaarkood furaha ayaad guriga isaga xirtaa laakiin aniga ayaa markiiba I soo wacdaa si aan kuugu furo, waxaad jeceshahay safarka laakiin had iyo jeer marka aad lumiso jidka magaalada , waa inaan ilaaliyaa indhahaaga si aan kuu tuso jidka. Marka aad caajis dareento waa aniga qofka kaliya ee kuu sheekeeyo

Layaabka Dunida! Magaalo Dadka Ku Dhinta Aan Loo Oggoleyn In Lagu aaso Dhulkeeda?

Image
Magaalada Longyearbyen ee dalka Norway oo ay ku nool yihiin dad lagu qiyaasay laba kun oo qoys ayaa ah magaalo ka duwan magaalooyinka kale ee dalkaas. Waa jasiirad ku taalla bartamaha dalka Norway oo qofkii ku xanuunsada uu ku qasban yahay in uu magaalada isaga baxo ama haddii uu ku dhinto aanan lagu aasi karin magaaladaas. Dadka naf-qabadka ayaa loo diraa magaalooyinka kale ee Norway, si ay ugu geeriyooda, waxaana jira sharci ah in haddii qof uu ku dhinto aanay cidina xabaali karin. Sharcigan ayaa magaaladaas ka dhaqan galay 102 sano ka hor, waxaana sannadkii 1918 albaabada la isugu dhuftay xabaalaha magaalada oo dhan intaa wixii ka dambeeyeyna aan la ogolayn in hal qof lagu aaso. Longyearbyen oo ah magaalo aad u qabow, inteeda badanna baraf ah ayaa mararka qaar waxaa dhacda in qabowgu uu gaaro wax ka hooseeya 50 darajo heerka biyuhu ku barafoobaan. Maxay tahay sababta aanan Loogu aasin meydka? Sannadkii 1918, waxaa adduunka ka dilaacay hargab lagu magacaabi jiray Spanish Flu, kaas oo