Macluumaad Kooban oo Ku Saabsan Dalka Itoobiya
Itoobiya waa dal dhaca bariga Afrika. Waxa uu deris layahay wadamada, Eritreya, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Suudaan. iyo Koonfurta Suudaan. caasimadda iyo magaalada ugu weyn waa Addis Ababa. Luqadda dowladdu waa Amxaari (amharic). Laakiin, Itoobiya waxaa looga hadlaa in kabadan 80 luqadood. Tirada dadka itoobiya waxay kor u dhaaftay 102 milyan, waana dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan, iyo kan 12aad adduunka ugu dadka badan. Baaxadda dhulka Itoobiya waa 1,104,300 km oo wareeg ah, waa dalka 10aad ee Afrika ugu dhulka weyn, sidoo kale waa dalka 28aad ee ugu dhulka weyn dunida. Waxaa talada dalka hadda haya raysalwasaare, Abey Axmed oo isbedello ka sameeyay geeska Afrika. Dalkani waxa uu ka Kooban tahay 9 maamul goboleed ama killil, oo kala ah, Ismaamulka Oromada, kan Soomaalida, Amxaarada, Tigreega, midka cafarta, Gobolka Sidamo, maamulka Gambeellaha, ismaamulka Binshangulka iyo maamulka shucuubta Koofureed. Waxaa kaloo jira, labada magaalo ee Harar iyo Diridabe oo toos u hoo