MAHATIR MOHAMED IYO KOBICII MALAYSIYA


Mahatir mohamed waa raisul wasaarihii hore ee Malaysia, waxa uu raisul wasaare noqday 16 July 1981, waxaana lagu tiriyaaa inuu yahay hogaamiyaashii hormoodka ahaa xaga siyaasadda iyo kobcinta dhaqaalaha ee Asia, waxaana u suurta gashay inuu bedelo Malaysia isaga oo kasoo bilaabay meel hoose ilaa uu  gaadhsiiyey heer ay Malaysia noqotay dawladaha ugu horreya xaga dhaqaalaha.

Lakin Mohatir 31 October 2003 waxa uu gudbiyay istiqaaladiisii waxaanu go'aansaday inuu iskaga dago jagada uu hayay, waxaanu iskaga baxay siyaasadda si uu fursad iyo jaanis u siiyo dhalinyarada dalkiisa si ay usii amba qaadaan horumarka uu dhidibada u taagay ee uu heerka sare gaadhsiiyey.


DHALASHADIISII IYO KORNIINKIISII:

Mohatir Mohamed waxa uu ku dhashay sannadkii 1925 gobolka keydah ee Malaysia, waxbarashadii kulliyadda Sultan AbdulHamid, kadibna waxa kuu ku biiray kulliyada caafimaadka ee Malay oo ku taala Singapore, waxaanu sidoo kale Dr.Mohatir ka bartay Arrimaha xidhiidhka duwaliga jaamacadda Harvard ee waddanka maraykanka 1967.
Markii uu soo qalinjabiyey Dr.Mahatir waxa uu bilaabay inuu ka shaqeeyo dhakhtar yar oo gaar uu u lahaa, halkaas uu dadka danyarta ahna uu ku dawayn jiray bilaa lacag, Mohatir waxa lagu yaqaanay xiisaha uu u hayay siyaasadda, waxaana uu ku biiray midowga Malayo halkaas oo uu u dalacay ilaa uu noqday xubin ka tirsan golaha sare ee isku taga malayo.

Dr. Mohatir Mohamed waxa uu bilaabay noloshiisii siyaasadeed sannadkii 1970kii , markii uu qoray buug uu ugu magac daray "Boqno go'a qowmiyada malayga" kaas oo uu aad ugu dhaliilay dadka malayga kuna dhaliilay caajis, iyo waxyar ku qanac, iyo in ay ka gaabiyeen sidii ay horumar ugu fikiri lahaayeen, xilligaas isagu waxa uu xubin ka ahaa xisbigii markaas talada hayay,waxaana xisbigu go'aamiyey in buugga uu qoray Dr.Mohatir aan la daabacin lana fidin si aanu dadka u gaadhin iyaga oo ku eedayay in buuggu yahay mid khalkhal iyo nacayb abuuraya, Mohatir Mohamedna waxay kasoo qaadeen wiil dhalinyaro ah oo xagjir ah fikir qaldana wata, waxaanay soo jeediyeen in qoraaladiisa la xayiro.
Mohatir waxa uu ku qanciyey hoggaankii xisbiga awoodihiisa iyo kartidiisa siyaasadeed, kama u cadhoon xisbigana kama uu tagin lakin wuu u dhabar adaygay ilaa uu qabtay jagada Raisul wasaaraha ee waddankiisa Malaysia 1981, waxaana la siiyey fursad uu aragtiyiihiisii iyo fikirkiisii siyaasadeed ugu bedelo

waaqic iyo waxqabada la arki karo.

TIJAABADII GUUSHA:

Dr.Mohatir kaliya ma ahayn siyaasi ruug caddaa ah, lakin waxa uu aha mufakir iyo qoraa waxaanu leeyahay buug uu qoray, waxaanu lahaa aragti cad oo uu ka haystay halka uu rabo inuu gaadhsiiyo waddankiisa,. Mohatir waxa u kasii ambaqaaday halkii ay joogtay malaysia, waxa uu ku bilaabay inuu diraaseeyo oo uu baadho taariikhda horumarineed ee waddamada Asia, waxaana uu arkay in Japan ay tahay waddamada ugu horumar sarreeya iyada ayaanu tusaale ka dhigtay, isaga oo dhawr jeer caddeeyay in Japan ay tahay tusaalihiisa xaga horumarka.

Mohater waxa uu arkay istaraatiijiyada ah in Japan oo kaalin sare kaga jirta xaga wax soo saarka wershahada caalamka iyo dhinac kasta oo wax soo saariseedba, Japan dhawr jeer ayaa waxsoo saarkeedu ka batay isku gaynta waddamada bariga Aasiya oo dhan, oo ay ku jirta China waqtiyadii siddeetamaadkii, Japan waxay ahayd tusaalihii dawladaha iyo dadyawga Aasiya ee xaga horumarka.

mohater, waxa uu ogaaday in siyaasadda Japan ee wax soosaaridu tahay inay soo saaraan ALAAB TAYO FIICAN OO QIIMO JABAN, taas oo ka caawisay inay ka suuq fiicnaato alaabta lagu sameeyo yurub iyo maraykan ee qiimahoodu qaaliga yahay, waxaanay ku guulaysatay inay qabsato suuqyada Aasiya iyo Africa, intaas waxa dheeraa inuu raacay hab la diraaseeyay uu u raacay samaynta wershadaha, waxaanu helay dad ah hoggaamiyeyaal fiican oo la garab taagnaa hiil iyo hoo si hore ugu socdo dariiqa horumarka.
Mohater waxa uu xilka qabtay labaataneeyo sanno kadib markii waddankiisu lasoo noqday xorriyada, muddadaasna waxa uu qaaday talaabooyin wax ku ool ah oo dib u dhisid iyo tayayn ah, taas oo asaas u noqotay horumarkiisa, iyo tusaalaha uu Japan ka dhigtay oo u jeexday dariiq cad oo uu u maro horumarinta dalkiisa, taas oo uu taariikhda ku galay waddankiisana soo gaadhsiiyey heer Malaysia lagu turiyo mid ka mida dawladaha waxa soo saarka ugu badan leh caalamka sida mucjisada ahna u soo galay saaxadda horumarineed ee xag tiknoolajiyada iyo dhaqaalahaba.
Horumarka uu gaadhsiiyey Malaysia:
waxa hoos u dhacay heerkii faqriga oo ahaa 52% dalka malaysia sannadkii 1970kii waxa ka badan kala badh dadka waddankaasi waxay ahaayeen fuqaro, waxa gaadhsiiyey 5% sannadkii 2002.
dakhliga iyo dhaqaalaha soo gala mawaadinka malaysiyaanka ah waxa uu ahaan 1247$ sannadkii 1970kii waxa uu gaadhsiiyey Mohater 8862$ sannadkii 2002,
waxa hoos u dhacday shaqo la'aanta ilaa ay gaadhay 3% kaliya.
waxbarashada hoose, dhexe iyo sare, markii uu xilka qabtay malaysiya waxay lahay 5 jaamacadood, markii u kadagay xilkana waxay ay gaadheen 80 jaamacadood oo 40 kamida xukuumaddu leedahay.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.