Qubeyska Joogtada ah oo ay Dhakhaatiirtu ka Dayriyeen, tolow Maxaa Cusub?

Inta badan waxaa la aamisanahay in maalin qubeysku hoos udhigo jeermiska iyo usgagga jirka laakiin xaaladdu sidaa way ka duwan tahay.

Waxaa iska caadi ah iney si joogta ah u meydhaan dadka haya shaqooyinka adag ama daggan wadamada ay kuleyluhu ku badan yihiin, arrinku xiriir lama laha shiirka jirka ee uu keeno dhididku. Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in si joogto ah maalin kasta oo maydhaa ay dhibaato u keeni karto haragga sare ee jirka oo ay furayso duleelada haragga oo jeermisku ka dusayo, jirkuna uu ku qalalayo, arrinkaas oo daciifinaya nidaamka difaaca jirka, maydhashada joogtada ahna waxay qalleyl u keenaysaa jirka oo qalleyl noqonaya saliidaha dabiiciga ah ee jirka uu leeyahay.

Dr. Elaine Larson oo khabiir ku ah cudurada faafa barena ka ah jaamadacadda Columbia ee dalka Mareykanka ; waxa uu yiri; ” Dadku waxay aaminsan yihiin in maydhashadu tahay nadaafad laakiin arrinkaasi sax maaha”.

Dhakhaatiirta ayaa dadka kula talinaya in isbuucii hal ama labo jeer oo qudha la maydho si jirku u nabad galo caafimaadkaagana aad u ilaashato, waxaase ay ogolaadeen in maalin kasta biyo la isku shubi karo oo lagu maydhan karo iyadoo wax shaamboo ah aan la adeegsan ama saabuun ah. Iyadoo aad si joogto ay u maydhi karto gacmahaaga iyo goobaha aad is leedahay waad ka dhididaysaa oo aad diidayso inaad ka jiirto.

Comments

Popular posts from this blog

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon guud iyo Diini ka Kooban, Qeybtii Koowaad.

Maahmaahyo iyo Murti (qaybtii kowaad).

Su'aalo iyo Jawaabo, Aqoon Guud iyo Diini Ka Kooban, Qeybtii Shanaad.