MAHATIR MOHAMED IYO KOBICII MALAYSIYA
Mahatir mohamed waa raisul wasaarihii hore ee Malaysia, waxa uu raisul wasaare noqday 16 July 1981, waxaana lagu tiriyaaa inuu yahay hogaamiyaashii hormoodka ahaa xaga siyaasadda iyo kobcinta dhaqaalaha ee Asia, waxaana u suurta gashay inuu bedelo Malaysia isaga oo kasoo bilaabay meel hoose ilaa uu gaadhsiiyey heer ay Malaysia noqotay dawladaha ugu horreya xaga dhaqaalaha. Lakin Mohatir 31 October 2003 waxa uu gudbiyay istiqaaladiisii waxaanu go'aansaday inuu iskaga dago jagada uu hayay, waxaanu iskaga baxay siyaasadda si uu fursad iyo jaanis u siiyo dhalinyarada dalkiisa si ay usii amba qaadaan horumarka uu dhidibada u taagay ee uu heerka sare gaadhsiiyey. DHALASHADIISII IYO KORNIINKIISII: Mohatir Mohamed waxa uu ku dhashay sannadkii 1925 gobolka keydah ee Malaysia, waxbarashadii kulliyadda Sultan AbdulHamid, kadibna waxa kuu ku biiray kulliyada caafimaadka ee Malay oo ku taala Singapore, waxaanu sidoo kale Dr.Mohatir ka bartay Arrimaha xidhiidhka duwaliga jaamacadda Ha